Sign in to follow this  
Deeq A.

Doorasha Kursiga Aan Joogtada Aheyn ee Golaha Ammaanka oo Ka Dhaceysa New York iyo Abaabulka Dowladda Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Doorashada xubnaha aan joogtada aheyn ee golaha ammaanka ayaa lagu wadaa inay maanta ka dhacdo magaalada New York ee dalka Mareykanka, ahna xarunta Qaramada Midoobey.

Xubnahan oo mid kamida ay dowladda Soomaaliya u sharraxantahay ayaa lagu dhex dooran doonaa shirka 78-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay oo maanta furmaya, waxaana ka qeyb-galaya wefdi culus oo ka socda Soomaaliya, uuna hoggaaminaya wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Danjire Axmed Macalin Fiqi.

Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cali Balcad ayaa faahfaahin ka bixiyay dadaalka ay Soomaaliya ugu jirto inay hesho kurisigaas, iyo sida ay u dhacayso doorashadu, asagoo sheegay in Soomaaliya ay codsigeeda kursigaas ku aaddan gudbisay sanadkii 2018, balse markii xukuumadda hadda jirtaahi ay timid si xoog leh arrintaas looga shaqeeya.

Wuxuu intaa ku daray in kamid noqashada golaha ammaanku ay muhiim u tahay sumcadda dalka, islamarkaana ay muujin doonto in Soomaaliya ay dib ula soo noqatay saameynteedii ay ku lahayd fagaarayaasha caalamka, codkeeda iyo mowqifkeedana lagu xisaabtami doono.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay Soomaaliya kursigaas tartan adag kula gashay dhawr dal oo ay kamid yihiin Madagastar, tansaaniya, murishiyoos, balse ay dhammaantood Soomaaliya u tanaasuleen ka dib safar dadaallo diblumaasiyadeed oo ay dowladdu samaysay.

Golahan oo u xilsaaran xallinta dhibaatooyinka dunida, gaar ahaan xasradaha iyo nabad-galyo xumida ayay Soomaaliya markii ugu horeysay xubin ka noqatay sanadkii 1971-dii, waxayna ka qeyb-qaadatay maareynta xiisado iyo khilaafyo badan oo xilligaas aloosnaa.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this