Sign in to follow this  
Deeq A.

Sacuudiga oo ka digay heer-kul daran oo laga filayo Xajka sannadkan

Recommended Posts

Deeq A.   
33L838C-preview.jpg?resize=1000%2C667&ss

Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa shaacisay in xujeydu ay filan karaan heer kul daran oo gaaraya 44 darajo Celsius (111 Fahrenheit), inta lagu guda jiro xilliga Xajka.

Madaxa Xarunta Qaranka ee Saadaasha Hawada, Ayman Gholam oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in Cimilada la filayo ee Xajka ee sanadkan ay noqon karto heer-kul gaaraya ilaa 44 darajo Celsius.

“Cimilada la filayo ee Xajka ee sanadkan waxay ka markhaati kacaysaa kororka heerkulka celceliska hal iyo bar ilaa laba darajo oo ka sarreeya heerka caadiga ah ee Maka iyo Madiina” ayuu yiri Ayman Gholam.

Sannadkii hore, in ka badan 2,000 oo qof ayay lasoo deristay daal kuleyl ah, sida ay ogaadeen mas’uuliyiinta Sacuudiga, kaddib markii heerkulku uu gaaray 48 darajo Celsius (118 darajo Fahrenheit).

Ugu yaraan 240 qof oo qaar badan oo ka mid ah ay ka yimaadeen Indonesia – ayaa dhintay intii lagu jiray gudashada waajibaadka xajka, sida laga soo xigtay tirooyinka ay shaaciyeen dalal kala duwan oo aan sheegin sababaha dhimashada.

PUNTLAND POST

The post Sacuudiga oo ka digay heer-kul daran oo laga filayo Xajka sannadkan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this