Sign in to follow this  
Deeq A.

Waftigii Kulmiye ee Burco ku sugnaa oo gaadhay Caynaba iyo guul darooyinka haysta

Recommended Posts

Deeq A.   

Waftigii xisbiga Kulmiye ee ku sugnaa magaaladda Burco ayaa gaadhay magaaladda Caynaba waftigaasi ayaan si fiican loogu soo dhawaynin xagaasi iyada dad faro ku tiris ah uu soo ururiyay badhisaabka Caynaba oo isagu wafiga ku soo dhaweeyay magaaladda Caynaba.

Waftigani ayaa guul daro kala huleelay magaaladda Burco kadib markii ay dadkii reer Burco ay diideen in ay xafladii lagu qabtay Hotel Bar kulan ee magaaladda Burco.
Waxana ay fadeexadi ka qabsatay waftiga markii ay iskubdhaceen dad dhalinyaro ahaa oo laga soo ururiyay xaafada ay deganyihiin dadka Bara kacyaasha ah gaar ahaan xaafadda Kur libaax dadkaasi oo danyar ahaa ayaa baabuur lagu soo guray loona sheegay in la siinaayo calaa qof 5 doollar taasi oo markii xafladdu xoogaa socotay ay dadkii dalbadeen in la siiyo lacagtii loo balan qaaday, taasi oo ay dadkii soo kaxeeyay u sheegeen in ayna lacagi jirin isla markaasna sacabka la xoojiyo.

Goobtii ayaa isu rogtay buuq iyo qaylo waxana goobtii ka dareeray dadkii beenta loo soo sheegay ee danyarta ahaa sisaasina waxa lagu soo afjaray xafladii.

Waftiga ayaa hada Caynaba ku sugan oo ay iyadana kala kulmeen waji gabax, waxa ay wafigu u sii jeedaan magaaladda Ceerigaabo oo uu halkaasibkaga sii horeeyo wasiir ku xigeenka beeraha oo sii abaabulaaya dad soo dhaweeya waftiga

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this