Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Qorshe yaab leh oo Sayid-Cali toogashada looga badbaadinayo oo bilowday

Recommended Posts

Deeq A.   
Sayid-CALI.jpg?fit=960%2C683&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay ogaatay Caasimada Online, waxaa bilowday qorshe la doonayo in xabsiga looga sii daayo Sayid-Cali Macalin Daa’uud oo toogasho u xiran, kaas oo labada heer ee maxkamadaha gobolka Banaadir ay dil qisaas ah ku xukumeen.

Sayid-Cali waxaa lii heystaa inuu gubay xaaskiisii Luul Cabdicasiis, reerka Sayidcali waxay isku dayeen in reerka gabadha geeriyootay ay diyo ku qanciyaan, balse waxaa si cad u diiday oo in ninkaan la qisaaso dalbaday Aabaha Luul Cabdicasiis.

Warqad uu qoray Maxamed Cabdullaahi Warsame oo ah Aabaha dhalay wiilkii ay ilmaha u dhashay Luul Cabdicasiis oo isna geeriyooday, isla markaana ah Awoowaha dhanka Aabaha ee carruurta ay dhashay Luul ayaa soo shaac baxday.

Warqadda waxaa ku qoran in sida sharciga ah uu go’aanka wax ku leeyahay, isla markaana uu aqbalay inay diyo ka qaataan qoyska Sayid-cali, maadaama ay isaga saaran tahay masuuliyadda carruurtii ay ka geeriyootay Luul.

Reerka ay ilmaha u dhashay Luul waxay ka soo jeedaan beesha Xawaadle, waxaana horteed geeriyooday ninkii ay carruurta u dhashay, balse hadda waxaa kiiska soo farogeliyey ilmaha awoowgood aabahood dhalay oo dalbanaya in diyo laga qaato reerka Sayid-Cali Macalin Daa’uud.

Ninka odaga ah ee warqadda soo qoray wuxuu degan yahay dalka Sacuudiga, sida ay ogaatay Caasimada Online, dalabka awoowaha carruurta Luul waxaa la sheegay in uusan waafaqsaneyn sharciga, taasi oo ka dhigtay mid aan soco karin.

Reerka Luul Cabdicasiis oo doonaya in kiiskaan sharciga lagu xaliyo ayaa ka gaabsaday oo weli aan ka soo hadlin dalabka awoowaha labaad ee carruurta Luul ay ifka uga tagtay, waxayna kiiska u gudbiyeen maxkamadda sare ee dalka, maadaama uu mar kale racfaan qaatay Sayid-Cali Macalin Daa’uud.

Xogta aan ka helnay arrintaan waxay intaas ku dareysaa in odaga soo qoray warqadda ay ku kaceen carruurtiisa oo gabdho u badan iyo guud ahaan qaraabadiisa oo looga dacwooday, kuwaas oo sheegay in uu ceebeeyey reerka.

The post Xog: Qorshe yaab leh oo Sayid-Cali toogashada looga badbaadinayo oo bilowday appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this