Deeq A. Posted June 4, 2024 Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha HirShabelle, Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wakiillo ka socday safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya, kuwaas oo booqasho ku tegay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe. Labada dhinac ayaa ka wada-hadlay arrimo ku aadan hirgelinta saldhig ciidan oo ay ku howlgeli doonaan ciidamada Danab ee uu tababaro Mareykanka, kaas oo laga dhisayo magaalada Jowhar ee caasimada HirShabelle. Cali Guudlaawe ayaa wakiilada uu la kulmay ku wareejiyay dhul ay HirShabelle ugu talagashay in laga dhiso xerada ay dagayaan ciidamada gaarka ah ee Danab, si ay uga gacan siiyaan amniga. Madaxweynaha oo kulanka ka hadlay ayaa tilmaamay in saldhigga uu hirgelinayo Mareykanka uu wax badan ka tari doono dagaalka adag ee lagula jiro Al-Shabaab. “Danab inay xarun ciidan ku yeeshaan HirShabelle waxa ay wax weyn ka tari doontaa dagaalka lagu dhameystirayo Khawaarijta, waxaana si rasmi ah ugu wareejiyay dhulkii ay xarunta ka dhisan lahaayeen,” ayuu yiri Madaxweynaha HirShabeelle. Saraakiisha ka socda safaaradda Mareykanka ee Muqdisho oo la geeyay dhulka lagu wareejiyay ayaa dhankooda u mahadceliyay madaxweyne Cali Guudlaawe, waxayna sheegeen in sida ugu dhaqsiyaha badan loo hirgelin doono xeradaasi. Mareykanka ayaa haatan saldhigga ugu wayn ku leh garoonka Balidoogle, halkaas oo uu ku tababaro ciidamada Danab ee Xoogga dalka Soomaaliyeed, sidoo kale waxa ay ka howlgalaan Jubbaland iyo Galmudg. Qorshaha Mareykanka ayaa ah inuu sii ballaariyo xarumihiisa ciidan, isaga oo qayb ka ah la dagaallanka maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab oo weli ku sugan qaybo kamid ah dalka. The post Sawirro: Guudlaawe oo dhul ku wareejiyay Mareykanka appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites