Sign in to follow this  
Deeq A.

La taliyaha madaxweynaha Somaliland oo kulan balaadhan la yeeshay wasiirka gadiidka Itoobiya Alemu Sime

Recommended Posts

Deeq A.   

Screenshot_20240604_191623_WhatsApp.jpg

Addis Abeba,(Qaran news)- La taliyaha madaxweynaha Somaliland mudane Cali Maxamed Warrancadde oo ku sugan magaalada Adis Abeba ee caasimadda Itoobiya ayaa kulan kala duwan la yeeshay qàar ka mid ah madaxda xukuumadda Itoobiya.

Ali Warranadde ayaa kulan qaatay saacad iyo badh waxa uu la yeeshay Alemu Sime Wasiirka Gaadiidka mudane Alemu Sime, ma jiraan wax war ah oo kulankaasi ka soo baxay,hase ahaatee waxa uu la taliyaha madaxweynaha Somaliland sheegay in Somaliland iyo Itoobiyaba ay ka go’antahay in uu hir galo heshiiskii is fahan ee dhex maray Somaliland iyo Itoobiya dhawaana la hir galin doono.

Dhanka kalena wasiir Alemu Sime ayaa maanta golaha baarlamnaanka ee Itoobiya u sheegay in ay dawladda Itoobiya ay ka go’ontahay in fuliso heshiiskii isfahan ee dhex maray Itoobiya iyo Somaliland taasi oo Itoobiya u saamaxaysa in ay gasho badda.

Heshiiskani ayaa labada dhanba ay faa’iido ugu jirtaa iyada oo Itoobiya heli doonta saldhig ciidanka bada ah oo ay ku yeelato xeebta Somaliland xaga Somaliland ay heli doonto aqoonsi caalami ah iyo in ay saami ka hesho shirkadda diyaaradaha ee Itoobbiya Airlines oo ah shirkadda diyaaradaha ee ugu balaadhan qaaradda Africa.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this