Deeq A. Posted June 4 Ciidanka Booliska Jubaland, gaar ahaan Taliska Qaybta Booliska Gobolka Jubbada Hoose ayaa Ciidanka Booliska Puntland, gaar ahaan kuwa Gobolka Mudug ku wareejiyey eedaysanayaal lagu kala magacaabo Cawil Ciise Xirsi iyo Aadan Cilmi Ciise kuwaaas oo ku eedeysan in ay 𝟐𝟗/𝟏/𝟐𝟎𝟐𝟒 degmada Jariiban ay ku dileen Marxuum Cabdiraxman Maxamed Afrax. Labadaan eedaysane oo laga soo qabtay xuduudka Kenya iyo Soomaaliya ayaa laga dejiyay Garoonka diyaaradaha ee Cabdullaahi Yuusuf Axmed, waxaana saraakiishi waday kala wareegay eedaysanayaasha loo haysto dilka Marxuum Cabdiraxmaan Maxamed Afrax, Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Mudug, Maxamuud Cabdixakiin Yuusuf. Taliyaha Qeybta booliska Gobolka Mudug G/sare Maxamuud Cabdixakiin Yusuf ayaa u mahadceliyaya ciidanka Jubaland iyo Odayaashii ka qaybqaatay in gacanta lagu soo dhigo eedaysanayaasha waxaana uu sheegay in ay isku xiranyihiin dhamaan ciidanka booliska somaliya sidaa darteedna, gacanta lagu soo dhigi doono cid walba oo dambi gaysta Sharcigana Lahorkeeni doono. PUNTLAND POST The post Jubaland oo Puntland ku wareejisay rag dil loo haysto appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites