Deeq A. Posted June 4 Kusimaha Wasiirka Arrimaha Dibada ee dalka IRAN, Ali Bagheri ayaa markii ugu horreysay xaqiijiyey in wadahadallo hoose ay la yeesheen Mareykanka, kulamadaasi oo ka dhacay dalka Cumaan. Ali Bagheri ayaa safarkiisii ugu horeeyey ee dibada ku tagay magaalada Beyruut ee caasimadda dalka Lubnaan, halkaasi oo uu ka sheegay inay sii wadi doonaan taageeradda ay siiyaan xoogaga la dagaalamaya Israel, wuxuuna sheegay inuu sii wadi doono siyaasadii wasiirkii ka horeeyey ee Hossein Amir-Abdollahian oo ku dhintay shil diyaaradeed isaga iyo Madaxweynihii hore ee Iran Ibrahim Raisi. Wadahadalada hoose ee la sheegay inay u socdaan Mareykanka iyo Iran, ayaa socda xili aan weli lagu guuleysan in wax xabad joojin ah la dhex dhigo Xamaas iyo Israa’iil oo ay labadaasi dowladood kala taageeraan. Source Share this post Link to post Share on other sites