Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamadda sare ee Pakistan oo dembi ku wayday Imran Khan iyo wasiirkiisii arrimaha debedda

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxkamadda sare ee Islamabad ayaa laashay xukun lagu riday raysal wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan iyo wasiirkiisii arrimaha dibadda, Shah Mahmood Qureshi, ka dib markii hore loogu xukumay kiis la xidhiidha in si khaldan loo maamulay sirtii qaranka.

Hadal kooban oo ay soo saartay maxkamadda sare, waxa ay ku dhawaaqeen in raysal wasaaraha hore iyo wasiirkiisii arrimaha debedda lagu waayay kiiskii ay hore ugu xukuntay maxkamadda hoose, iyaga oo aqbalay racfaanka ay ka qaateen xukunnada hore ugu dhacay.

Go’aanka maxkamadda sare ayaa ku soo beegmaya, ka dib markii bishii January ay maxkamadda hoose ay ku xukuntay labadan masuul, min toban sannadood oo xadhig ah, ka dib markii ay maxkamadda hoose ku heshay inay si cad u shaaciyeen nuxurka xogo sir ah oo diblomaasiyadeed.

Labadan masuul ayaa ku dooday in eedaha loosoo jeediyey ay yihiin kuwo been abuur ah iyo wanjal siyaasadeed, oo aan caddaalad ku dhisnayn.

Inkasta oo maxkamadda sare ay go’aankan soo saartay, haddana weli lama filayo in xabsiga laga sii daayo, iyaga oo xabsiga ku jiray tan iyo bishii August ee sannadkii hore.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this