Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo galabta khudbad ka jeedin doonna Shirka Kuuriya koonfureed iyo Afrika

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa ka qaybgalaya shir madaxeedka Kuuriyada Koonfureed iyo Afrika oo saaka si rasmi ah uga furmay magaalada Seoul.

Shirkan ayaa ah kii ugu horreeyay ee noociisa ah oo ay ka qaybgalayaan madaxda Afrika iyo Jamhuuriyadda Kuuriya.

Ra’iisul Wasaare Xamsa waxa uu galabta ka jeedin doona khudbad madasha shirka, oo uu kaga hadli doono qodobo dhawr ah oo ay ka mid yihiin fursadaha maalgashi iyo iskaashi ee dhinaca ganacsiga ee ka jira Soomaaliya.

Waxaa uu sidoo kale ka hadli doonnaa dadaalka ay wado dowladda Soomaaliya oo horumar weyn ka sameysay xagga amniga, siyaadda, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this