Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliyaha Booliska Puntland oo faahfaahin ka bixiyay hawlgallo iyo duqaymo ka dhacay gobolka Bari

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1717427962265.jpg?resize=720%2C48

Taliyaha Booliska Puntland S/Guuto Muumin Cabdi Shire ayaa faahfaahin ka bixiyay hawlgallo amni oo ka socda gobolka Bari kuwaasi oo ciidamadu ku qabteen shakhsiyaad lagu tuhmayo kooxaha argagixisada ah.

Taliye Muumin oo wareysi bixiyay ayaa sheegay in hawlgalladii u danbeeyay ee ciidamada amniga Puntland ka fuliyeen gobolka Bari lagu qabtay ilaa 23 qof oo ku eedaysan in ay ka tirsan yihiin maleeshiyaadka Daacish islamarkaana weli baaris ku socoto shakhsiyaadkaasi.

S/Guuto Muumin Cabdi Shire ayaa sidoo kale sheegay in ay guud ahaan hadda baaris ku socoto dad gaaraya 98 qof oo lagu tuhmayo in ay ka tirsan yihiin maleeshiyaadka Al-Shabaab iyo Daacish kuwaas oo ku xiran xabsiyada Puntland oo dhan.

Taliyaha Booliska Puntland ayaa dhinaca kale ka hadlay duqaymo dhanka cirka ah oo 26 iyo 31 May laga fuliyay buuraleyda gobolka Bari kuwaasi oo mid kamid ah lagu beegsaday maleeshiyaadka Daacish ee ku dhuumaalaysta buuraleyda Calmiskaad.

Gen. Muumin ayaa tilmaamay in duqayntii 31 May ka dhacday buuraha Calmiskaad oo uu fuliyay Maraykanka lagu beegsaday kooxaha Daacish islamarkaana ay ku dhinteen 11 xubnood halka ay ku dhaawacmeen 7 xubnood oo kale. Waxa uu intaasi raaciyay in duqayntii dhacday 26 May aysan wax khasaare ah u geysan kooxaha argagixisada ah.

PUNTLAND POST

The post Taliyaha Booliska Puntland oo faahfaahin ka bixiyay hawlgallo iyo duqaymo ka dhacay gobolka Bari appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this