Sign in to follow this  
Deeq A.

Waxa aan jecleystay in aan wax yar ka idhaahdo laba sawir oo ku wareegaayay baraha bulshada maalmahan.

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxa aan jecleystay in aan wax yar ka idhaahdo laba sawir oo ku wareegaayay baraha bulshada maalmahan.
IMG-20240603-WA0003.jpg
1. Sawirka kowaad waxa lagu sheegay in uu yahay musharaxa Xisbiga Wadani C/raxmaan Maxamed C/llaahi (Ciro) oo la sawiran Maxamed Siyaad Barre. Waxa la xaqiijiyay in uu sawirkaasi yahay Warsame Cabdullahi Cali Camey (Warsame Indhoole) oo markaasi ku jiray Jaamacada Bologna ee dalka Talyaaniga qiyaastii dabayaaqadii 50-kii ama horaantii 60-kii. Warsame Indhoole waxa uu ahaa Guddoomiye Ururka Iskaashatooyinka Soomaliyeed xilligii Towradii Kacaanka, waxa aanu la dhashay fanaanadii weyneyd ee Khadiija C/llaahi Daleys. Waxa kale oo aan halkan la socda hal sawir oo ah markii uu geeriyooday Warsame Indhoole. Halkaas waxa aad ka garan kartaa farqiga da’da u dhexeysa Musharax Ciro iyo Marxuunka. Musharaxuna hadii aanan qaldaneyn Dugsigii Sare ee Sheekh waxa uu ka baxay 1977.

IMG-20240603-WA0004.jpg
2. Sawirka labaad waa sawir Maxamed Siyaad Barre oo ku jira shir ay ku wehelinayeen; Ismaaciil Cali Abokor, Cumar Carte Qaalib, Ibrahim Meygaag Samatar, iyo Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo). Intii dhimatay Alle ha u naxariisto. Maxaa dhib ah ee ku jira ama laga soo saari karaa sawirkaasi?

Teeda kale, Inqilaabkii Milatari ee ka dhacay Soomaaliya 21 October, 1969 waxa sameeyay 25 sarkaal oo markii denbe noqday Golehii Sare ee Kacaanka. Sagaal sarkaal (9) oo ka mid ahi waxa ay ka soo jeedeen Somaliland. Waxa kale oo dowladii kacaanka ay ku lahaayeen reer Somaliland mansabyo iyo xilal waaweyn sida madaxweyne ku-xigeenno, wasiiro ‘A’, Safiiro, iwm. Hadaba, Maxamed Siyaad Barre ayaa lala sawirnaa denbi noqon meyso waayo waxa uu ahaa Madaxweynihii Soomaaliya 1969-1991, nidaamkiisii (regime) cid walba way ku jirtay ama ka tirsaneyd.

Markaad eegto xaalada dalku maraayo iyo doorashooyinka inagu soo fool leh waxa haboon in la mideeyo shacabka iyo ummada reer Somaliland. Waana laga fiican yahay in dadka marba tagto tagtay lagu soo celiyo, laguna kala qeybiyo wax aan jirin.

Mahadsanidiin

Kayse Guray

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this