Sign in to follow this  
Deeq A.

Itoobiya oo dal kale la saxiixatay heshiiskii ugu ballaarna oo ku kacaya 1 bilyan dollar

Recommended Posts

Deeq A.   
GPEcw_9XAAAQjO4.jpeg?fit=960%2C720&ssl=1

Seoul (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo madaxweynaha Koonfur Kuuriya Yoon Suk Yeol ayaa kala saxiixday heshiis cusub oo ku kacaya $1 bilyan oo doolar.

Heshiiska qaab dhismeedka maal-gelinta ayaa bartilmaameedsanaya mashaariicda la fulin doono afarta sano ee soo socota, sida uu sheegay xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Madaxda ka socotay Itoobiya iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa sidoo kale yeeshay wada-hadalo laba geesood ah.

Dhinacyada ayaa sidoo kale kala saxiixday heshiis is-afgarad ah oo u dhaxeeya guddiga anshaxa federaalka iyo la-dagaalanka musuq-maasuqa ee Itoobiya iyo guddiga la-dagaalanka musuq-maasuqa iyo xuquuqda madaniga ah ee Jamhuuriyadda Kuuriya.

Wafdiga Itoobiya ayaa qeyb ka ah shir madaxeedka Jamhuuriyadda Koonfur Kuuriya iyo Afrika, kaasi oo sanadkan ka dhacaya magaalada Seoul ee caasimada dalkaasi Koonfur Kuuriya.

Shirkan ayaa waxaa intiisa badan diiradda lagu saari doonaa xiriirka soo jireenka ah ee Koonfur Kuuriya iyo dalalka Afrika, gaar ahaan dhinaca iskaashiga oo ay ugu muhiimsan tahay horumarinta ganacsiga.

Si kastaba, heshiiskan ku kacaya 1 bilyan dollar ee Koonfur Kuuriya iyo Itoobiya ayaa imanaya xilli ay Itoobiya wajaheyso xaalad dhaqaale xumo, ayna gudaheed ka taagan yihiin xasarado dagaal iyo xaalado bini’aadantinimo oo is-biirsaday.

The post Itoobiya oo dal kale la saxiixatay heshiiskii ugu ballaarna oo ku kacaya 1 bilyan dollar appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this