Sign in to follow this  
Deeq A.

Hanti-dhowraha Qaranka oo Furay Shirka Xafiisyada Hanti-dhowrka Dowlad Goleedyada

Recommended Posts

Deeq A.   

Hanti-dhowraha guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Guutaale ayaa Muqdisho ka furay shirweynaha xafiisyada Hantidhowrka heer federaal iyo heer dowlad goboleed.

Hanti-dhowraha ayaa sheegay in qabsoomidda shirka muddo laga shaqaynayay, islamarkaana ay tahay markii ugu horeysay ee oo xaafiisyada Hanti-dhowrka qaranka iyo kuwa dowlad gobolleedyadu ay kulan noocaan ah isugu yimaadaan.

Shirka ayaa diiradda lagu saarayay sidii ay u wada shaqeyn lahaayeen labada dhinac, islamarkaana wax u wada qaban lahaayeen, isagoo xusay inuu kulankani yahay furdad ay ku kala war qaadan doonaan.

Xaafiiska Hanti-dhowrka ayaa muhiim u ah isla xisaabtanka Maaliyadda, ka hortagga musuqa iyo lunshaha xoolaha dadweynaha, islamarkaana daba-gal joogto ah ku sameeya dhaqdhaaqa miisaaniyadda dalka.

Goobjoog.com

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this