Cowke Posted October 17, 2009 Kalfadhi Saaka U Furmay Saraakiisha Iyo Madaxda Puntland Oo Ku Aadan Laascaanod {Garoowe}17-08-09Magaalada Garoowe ee caasimada maamul goboleedka Puntland waxaa ka furmay kulan xasaasi ahaa oo looga hadlayay sida ay suurta gal ku noqon karto in maamulka Puntland uu mar kale gacanta u gasho maamulka degmada Laascaanood. Degmada Laascaanood ee gobolka sool ayaa haatan waxaa gacanta ku haya maamulka labaxay Somaliland, waxaana Puntland lagala wareegay mar uu dagaal ku dhex maray halkaasi ciidamo labada maamul kala taabacsan. Maamulka Puntland ayaa dhowr jeer ku cel-celiyay in ay qasab tahay in gacan ku heynta degmada Laascaanood dib loogu celiyo maamulka Puntland. Kulankan ayaa la sheegayaa in saacadaha soo socda laga soo saarayo war cad oo ku aadan gacan ku heynta degmada Laascaanood. Maamulka labaxay Somaliland ayaa ku doodaya in Laasnaanood ay ka mid tahay deegaanada maamulka Somaliland, iyadoo aan la ogeyn halka ay ku dambeyn doonto arrinta degmada Laascaanood. Widhwidh Online News Des..Media Center Quote Share this post Link to post Share on other sites