Sign in to follow this  
SOO MAAL

MUDANE KA MID AH GOLAHA WAKIILADA SOMALILAND OO WARAYSI LALA YEESHAY DIIDAYNA IN MAGA

Recommended Posts

SOO MAAL   

MUDANE KA MID AH GOLAHA WAKIILADA SOMALILAND OO WARAYSI LALA YEESHAY DIIDAYNA IN MAGACIISA UU SHEEGO.. Posted by: qaran

 

Waxa aanu doonaynay in Rayaale laga qaado jagada fasax ka hor

 

Mudane ka mid ah golaha wakiilada ee Somalilad oo codsaday in aan magaciisa iyo muuqiisa midn aan la shaacin ayaa waxa magaalda Hargaysa ee casimada Somaliland kula kulmay oo wariye madax banaan oo la yidhaa Mustafe Cali Diiriye oo isagu hada jooga magaalada Hargaysa.

 

Wariyuhu waxa uu ku bilaabay warbixintii iyo hadaldii uu ka soo qaaday xildhibaankaasi magaciisa diiday in la shaaciyo.

 

Cabaaro 8:00, fiidnimo ee xalay oo ayaa waxa aan la kulmay mid ka mid ah xildhibaanadii dhawaan xil ka xayuubinta damacsanaa in ay ku soo oogan madaxwaynaha Somaliland Dahir Rayaale Kaahin xildhibaankani oo anu ku kulanay Hotel ah kuwa laga cunteeyo oo ku yaala badhtamaha magaalada Hargaysa ayaa wax aan markii ugu horaysay aan waydiiyay. Mudane waa maxay sababat ka danbaysa talo ka xayuubinta aad la maaganaydeen Rayaale?

 

Horta waxa aay tahay, anaiga iyo inta ila socotaa ee wakiilada ahi wax aanu had iyo goor anu ku taaganhay wadada saxda ah, waxa aanu saxaynaa dimuquraadiyada uu qaloocinaayo madaxwaynahu, had iyo goor waxa uu ka leexadaa shuruucd dalka oo wax uu jeebada kala soo baxaa shuruuc isaga u gaar ah wataas xaqiiqada dhabta ah ee aanu ku haysanaa madaxwaynaha iyo kuwo kaleba, muadanha oo aan waydiiyay maxaa ka mid ah kuwa kale ee aad sheegayso ee ugu mihiimsan waa uu iigu jawaabay waxa ka mid ah goboladii bariga oo uu dayacay, taas ayaana ah ayuu yidhi ta ugu wayn.

 

Waxa aan waydiiyay miyaan la odhan karin arintaasi waa arin la idiin soo dhiibtay oo uu ka danbeeyo xibiga Kulmiye?

 

Mudanahu waxa uu ku jawaabay maya anaga iyo Kulmiye ma jirto wax wada shaqayn ah oo naga dhaxaysa oo arinkan la xidhiidhaa tii ay Kulmiye sheegayeena waa jirtaa oo waa tan aanu wadano oo kale lakiin taayadu shuqul iyo shaqo toona kuma laha talo ka xayuubintaydu tii Kulmiye ay noo soo gudbiyeen.

 

Mar an waydiiyay miyaanay ayaan daro ahay ragiinii in alka ay dhex dhexaad u noqdaan aad xisbiyada ku kala biirtaan idina oo aan xilalkiniina ka tanaasulin?

 

Mudanahu wa uu ii sheegay in ilaa bilowgii ay aasaasmeen xisbiyadu la kala raacsanaa xisbiyada haba ugu badnaadaan xisbiga Udub ee hada talada hayaa. Waxa aan ku celiyay adigu xisbigee ayaad ka tirsantahay hada, hada halkan kaaga sheegi maayo in kasta oo markii danbe uu igu yidhi Udub ama Kulmiye ayuunbaan mid ahay.

 

Waxa aan waydiiyay oo kale maxaad hada qabanys mar hadii ay soo dhawdahy in la idin kala diro oo doorashooyin ay dhici doonaan oo jagooyinkiina mudanayaal la soo doortay ay iman doonaan? Se aigu ma isu soo sharaxaysaa jagadan ad hada hayso iyada oo lagu soo doorto.

 

Hota in mudo ah ayaanu halkan la soo jiifnay maadaama aanu in badn soo shaqaynayny oo aanu wdnka soo gadhsiinay heerkaa wanaagsan ee uu maanta maraayo, ma ah mid meesha qabata ha la kala dareero waxa aanu xaq u leenahay ma aha oo aanu u qalano. Wax aan ku celiyay oo aan waydiiyay maxaad rabtan tusaale ahaan adigu?

 

Walahi waxa aan rabo adba waad fahmi kartaa anigu ma lahi baabuur ma haysto guri hanti ah oo aan anigu leeyahay wax aan ku noolaado sanadka soo socda ma haysto oo aan ahayn gunada yar ee aan helo ee aan ku helo shaqadydan dhamaanaysa.

 

Haa mudane markaa ma sidaas baa sababta aad doonaysaan in aad madaxwaynaha ula goolaaftantaan?

 

Waxa uu iigu jawabay isga oo dhoola cadynaaya mudanahu. Maya horta Rayale waa in uu gartaa in waxaas oo dhib ahi meesha jirto, ragana waa ragii wadanka la waday ee la soo gaadhsiiyay halkaasi, markaa anigu shaqsiyan wax aan qabaa hadii uu Rayaale ragani uu mustaqbal u samyn laha ayna ku soo safaadeen.

 

Wax aan waydiiyay yaad leedahay mustaqbal in ay smyso idinku sow maydaan ahayn meesha ay wax walba ka soo fulaayeen oo xata mar marka qaarkood aad kordhsan jirteen mushaaradiina. Waxa uu iigu jawaabay way jirtay lakiin isaga madaxwaynaha aya meel kastaba wadanka awood ku leh.

 

Hadaba waraysigan oo aan soo koobay waxa iiga muuqatay uun in madaxwaynaha iyo xubnah golaha wakiilaa ee ku kacsani ee lahaa xilka ha laga qado oo cod ha loo qaado, ay ku salaysan tahay uun wakiiladan ku jooga hada wakiilo beeleedyo oo aan beelahooda badankoodu kalsooni buuxda aan ka qabin, in ay xataa u codayn doonaan mark doorashada xort hi timaado ayuunb u eeg in ay ku sii gal gashan meesha oo ay sii ag xagtaan xukumada si ay u helan xooga gacmo maris ah, taasi oo uu madaxwaynuhuna la garn waayay farsamada isku soo wada duuboo ubnahan oo cidkasta lehi wax aay doonayaan sida mudanaha hadalkiisa iiga dhan dhantay xoogaa garasho ah oo loo dhiibo.

 

Mustafe Cali Diiriye

Hargaysa

Somaliland

Share this post


Link to post
Share on other sites
SOO MAAL   

Golaha Wakiilada oo Si Lama Filaan ah loo Xidhay Posted to the web 09:53 May 09 2005

Hargeysa (Jam) Golaha Wakiilada Somaliland ayaa shalay loo fasaxay si lama filaan ah muddo 45 maalmood ah. Golaha Wakiilada oo ku gudo jiray kalfadhi aan cadi ahayn ayaa fasaxa deg degga ah waxa shalay qoraal ku soo saaray Xoghayaha guud ee Golaha Wakiilada, Md. Maxamed Xuseen Cismaan (Mu'adinka).

 

Posted By M Ghalib.

 

"Waxa la ogeysiinayaa dhammaan mudanayaasha Golaha Wakiilada, marka laga rebo Guddiga Joogtada ah in uu xidhmay kalfadhigii aan cadiga ahayn ee Golah ee soo taxnaa ilaa bishii January 2005, goluhuna fasax ku maqnaan doono muddo 45 cisho ah, laga bilaabo 09/05/2005," ayaa uu Xoghayuhu ku yidhi qoraalkiisaa oo ahaa wargelin iyo ogeysiis.

 

Qoraalka Xoghayuhu ku soo saaray fasaxa Golaha Wakiiladu, waxa uu soo baxay saacado ka dib kulan dhexmaay Shirguddoonka Golaha iyo Madaxweyne Rayaale, kaas oo aan xog sugan laga hayn nuxurka ajendaha dhabta ah ee lagaga wada hadlayo, haseyeeshee, waxa uu kulankaasi ku soo beegmay iyada oo uu baaqday fadhigii maalintii Sabtidii ee Golaha, kadib markii sida la sheegay Shirguddoonka Goluhu ka war wareegay in uu furo hoolka shirarka ee Golaha sidii caadada u ahayn.

 

Labadii fadhi ee qabsoomi waayey Sabtidii iyo Axaddii shalay ayaa la sheegay in shirguddoonku ka warwareegay in goluhu fadhiisto, isaga oo ka cararaya mooshin ku saabsan maamus kaxayuubinta Madaxweynaha oo laga warhelay inay dhawr iyo afartan mudane saxeexeen, kaas oo ay ku talajireen inay golaha horgeeyaan Sabtidii.

 

Labadii maalmood ee u dambeeyey wax socday dhadhaaaqyo Madaxweynuhu kula shirshiraayey mudanayasha Golaha Wakiilada, si uu u baajiyo dacwadda maamuus ka xayuubinta ah ee la doonayo in golaha la horkeeno. Ma jiro war rasmi ah oo laga soo saaray sababta ka dambeysay baaqashada labadii fadhi ee Sabtidii iyo Axaddii ee Goluhu yeelan lahaa, balse, warar xogogaal ah oo Jamhuuriya helay ayaa sheegay in uu jiro mooshin ku saabsan in maamuus ka xayuubin lagu oogo Madaxweyne Rayaale oo afartameeyo mudane doonayeen in ay soo hordhigaan Golaha fadhigiisii Sabtidii ee baaqday.

 

Xubno ka mid ah mudanayaasha Wakiilada oo shalay Jamhuuriya wax ka weydiiyay arrinka mooshinka ayaa xaqiijiyey in uu jiro, balse waxa ay ka gaabsadeen in ay faah faahin ka bixiyaan qaabka iyo nuxurka uu ku salaysan yahay. Xildhibaanadaasi waxa ay tilmaameen in ay ahayd sharci darro in Shirguddoonka Goluhu qaban waayo fadhiyada laba maalmood ee Golaha, iyada oo aanay jirin sabab goluhu isla ogyahay oo loo baajiyey.

 

Dhinaca kale, waxa shalay gelinkii hore ka socday xarunta Golaha Wakiilada dhaq dhaqaaq badan, halkaas oo ay gaalaa baxayeen xildhibaanada Golaha, siyaasiyiin, madax dhaqameedyo, iyo wasiiro ka tirsan Xukuumadda Somaliland. Fasaxa dheer ee Golaha Wakiiladu waxa uu soo baxay iyada oo muddo xileedkii xildhibaanada ay ka hadhsan thaay muddo ka yar saddex toddobaad, isla markaana aanay jirin muddo kordhin loo sameeyey.

 

News Posted By M Ghalib.

Email M Ghalib : news@somalilandnet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this