Sign in to follow this  
Deeq A.

Donald Trump oo lagu helay dhammaan dacwadihii lagusoo oogay iyo dhawaan oo la xukumayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Xeerbeegtida New York ayaa Trump ku helay danbi ah inuu been abuuray dukumeenti si uu u qariyo xidhiidh qarsoodi ah oo uu la lahaa haweenay jidhkeeda ka ganacsata ka hor doorashadii 2016.

Ka dib laba maalmood oo dood socotay, xeerbeegtida 12-ka xubnood ah waxay ku dhawaaqeen in Trump uu galay dhammaan 34-da eedeymood ee lagu soo oogay.

Trump ayaa si niyad jab leh u daawaday xeer-beegtida markii cod loo qaadayay si loo xaqiijiyo xukunka la isku raacsan yahay.

Dembiyada ka been abuurka dukumentiyada ganacsigu waxa ay xanbaarsan tahay ugu badnaan afar sano oo xadhig ah, inkasta oo kuwa la xukumo ay inta badan helaan xukuno xabsi gaaban, ama ganaaxyo.

Garsoore Juan Merchan ayaa sheegay in 11-ka bisha July uu soo saari doono xukunka, maalmo yar ka hor inta aan xisbiga Jamhuuriga uu si rasmi ah ugu magacaabin Trump murashaxooda madaxweyne ee doorashada 5ta November.

Xadhiggu si sharci ah ugama hor istaagayo inuu u ololeeyo doorashada ama uu xilka qabto.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this