Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Maalashiga Somaliland oo ganacsatada Itoobiya ugu baaqay in ay maal gashadaan Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

HARGEISA- Wasiirka Maalashiga iyo Wershadaha Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed, ayaa ugu baaqay maalqabeennada Itoobiya inay ka faa’iidaystaan fursadaha maalgashi ee ka bannaan JSL.

Wasiirka Maalgashigu wuxuu sidaas ka sheegay waraysi uu siiyay Wargeyska Ethiopian Herald, oo uu tilmaamay in loo baahan yahay in sare loo qaado iskaashiga ganacsiga iyo maalgashiga Somaliland iyo Itoobiya.

Wasiirka Maalgashiga Somaliland wuxuu hoosta ka xariiqay in heshiiska isfaham ee u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya uu labada dal u furi doono fursado badan oo lagu xoojinayo cilaaqaadka dhaqaale ee labada dal ee rafiiqa ah.

Wasiir Cabdirisaaq Ibraahim wuxuu ugu baaqay ganacsatada Itoobiya inay maalgashan karaan sibidhka, maadaama oo dekeddii laga dhoofinayeyna ay ku taallo Somaliland oo ah waddan amni ahaan maalgashigu ka tisqaadi karo.

Wasiir Cabdirisaaq Ibraahim waxa kaloo uu intaas ku daray in la maalgashan karo kalluumaysiga iyo beeraha, waxaanu caddeeyay inay xukuumadda Somaliland u fududeysay nidaamka maalgashiga maalgashadeyaasha caalamiga ah.

Wasiirka Maalgashiga oo la weydiiyay inay jiraan ganacsato Itoobiyaan ah oo ka shaqeysta Somaliland, wuxuu xaqiijiyay inay jiraan dad Itoobiyaan ah oo ku jira ganacsiyada yaryar iyo kuwa dhexe, hase ahaatee uu rajaynayo in shirkadaha waaweyn ee Itoobiya yimaadaan Somaliland.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this