Deeq A. Posted May 31, 2024 Berne (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa maanta laga cafiyay deyntii ururka Midowga Boostada Adduunka (UPU), kadib wada-hadallo ka dhacay magaalada Berne ee waddanka Switzerland. Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada XFS Xildhibaan Maxamed Aadan Macalin Cali (Soomaali) ayaa Berne kulan gaar ah kula yeeshay Mr.Masahiko Metoki Agaasimaha Guud ee Midowga Boostada Adduunka (UPU) oo halkaas xaruntooda ah. Socdaalka Wasiirka ayaa ahaa in Soomaaliya laga cafiyo deynta lagu lahaa oo ku dhow 2 milyan oo doolarka Mareykanka ah oo isugu jirta qaaraanka xubinimada oo dhan Hal Milyan doolar iyo dulsaar aruurey ayaa ka soo billaabatay Sebtember 1982-kii illaa 2018-kii. Agaasimaha Guud ee UPU, Mr. Masahiko Metoki ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in Soomaaliya laga cafiyey deyntii lagu lahaa maadaama ay buuxisay Shuruudihii laga rabay. Deyn-cafinta kadib Soomaaliya waxay si rasmi u noqotay Xubin buuxda oo ka tirsan Midowga Boostada Adduunka (UPU) iyadoo laga qaaday xannibaadii saarneyd. Wasiirka Isgaarsiinta Xildhibaan Maxamed Soomaali oo sharraxayay qorshaha ay Wasaaraddu u dajisay soo-nooleynta Boostada ayaa sheegay in hawlo badan laga qaban doono dajinta siyaasadihii iyo qorshayaashii lagu hagi lahaa boostada dalka, tababarka iyo tayeynta shaqaalaha boostada, helitaanka agabkii lagu shaqeyn lahaa iyo dib-dhiska xarumihii boostada ee magaalooyinka waaweyn ee dalka. Ugu dambeyntiina wasiirka ayaa uga mahad-celiyay UPU taageeradii kala duwaneyd ee ay siisay Soomaaliya sanadihii la soo dhaafay, kuwaas oo ay ka mid ahayd inay fududeysay in boostadu ay dalka timaaddo. Inkasta oo ay xayiraad dalkeena ka saaran tahay in aan dalka dibeddiisa wax u dirno iyadoo wasaaraddu ku hoolantahay in la dhameestiro Qorshahaas. The post Soomaaliya oo laga cafiyay deyn sano lagu lahaa + Sawirro appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites