Sign in to follow this  
Deeq A.

Xogta saraakiil uu Turkiga u tababaray Soomaaliya oo kusoo wajahan dalka

Recommended Posts

Deeq A.   
442473503_942660307900576_26193458562485

Ankara (Caasimada Online) – Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa tababar aqoon kororsi ah loogu soo xiray dalka Turkiga.

Saraakiishan ayaa muddo halkaasi ku qaadanayay koorsooyin la xariira barashada qibradaha muhiimka u ah ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku jira halganka dalka looga sifaynayo argagixisada.

Saraakiishan oo la filayo inay dhawaan dalka ku soo laabtaan ayaa la rajaynayaa in ay gacan wayn ka gaysan doonaan horumarinta howl-galada sifaynta ee ciidanka xoogga dalka wadaan ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab iyo dhaman howl shaqeedyada kale ee ciidanka xoogga dalka qaranka.

Turkiga ayaa kamid ah dowlahadaha waa weyn ee taageero Soomaaliya, wuxuuna ka qayb qaataa dib u dhis ciidamada qalabka sida ee dalka.

Saraakiishan ayaa door muhiim ah ka qaadan doona dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda gudaha dalka, kaasi oo heer geba-gebo ah uu marayo wejigiisa koowaad, oo kooxda looga xoreeyay deegaano iyo degmooyin muhiim ah oo sanado dhowr ah ku jiray gacantooda.

Maalmo kahor unbey aheyd markii magaalada Muqdisho tababar isticmaalka hubka culus ah saraakiil iyo saraakiil xigeeno ka tirsan ciidanka dhulka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Saraakiishan oo laga soo xulay guutooyinka iyo qeybaha ciidanka dhulka xoogga dalka Soomaaliyeed, ayaa muddo la barayay isticmaalka hubka culus oo Llagama maar-maan u ah dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada, xilli uu meel xasaasi ah marayo dagaalka Shabaab.

442473503_942660307900576_26193458562485

443696475_942660537900553_11692952598172

442484692_942660231233917_45901911361345

422660395_942660697900537_50524987175268

447196575_942611621238778_79231722539446

447174978_942611674572106_51737493444359

442469279_942660534567220_63959686181403

The post Xogta saraakiil uu Turkiga u tababaray Soomaaliya oo kusoo wajahan dalka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this