Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Kulamo Ka Wadda Nairobi iyo Ajandayaasha ay Ku Qotomaan

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kulan gaar ah magaalada Nairobi kula yeeshay Madaxa Bangiga Horumarinta Afrika Mudane Akinwumi Adesina.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa masuuliyiinta Bangiga Horumarinta Afrika u xaqiijiyey sida ay Soomaaliya uga go’an tahay dib u habeynta dhaqaalaha.
Waxaa uu ku booriyay madaxda Bangiga in ay laba jibaaraan dadaalkooda iyo maalgashigooda, si loo gaaro horumar iyo kobac waara oo ka hana qaada gobolka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa soo bandhigay qorshaha Soomaaliya ee wax ka qabashada saamaynta taban ee Isbeddelka Cimmilada Adduunka, taasi oo uu sheegay in ay u baahantahay xal wadajir ah oo heer caalami ah.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sii wadda kulamada kala duwan uu la yeelanayo hay,addaha caalamiga ah iyo bulshada Soomaaliyeed ee kunool dalka Kenya.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Nairobi ka qeyb galay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Afrika iyo Madaxda Bangiga Horumarinta Qaaradda Afrika ayaa dul istaagay dhibaatooyinka ka dhashay Isbaddalka Cimillada Adduunka ee ka jira dalkeenna, kuwaasi oo ay ka mid yihiin abaaraha, daadadka iyo cimmilada sii kululaanaysa.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this