Sign in to follow this  
Deeq A.

Dekedda Berbera oo kaalinta labaad ka gashay horyaalka marsooyinka Afrika

Recommended Posts

Deeq A.   

Dekedda Berbera oo kaalinta labaad ka gashay horyaalka marsooyinka Afrika

Hargeysa()-Warbaahinta Business Insider Africa, ayaa qoray tobanka dekedood ee ugu adeega wanaagsan qaarada Afrika, waxana marsada Berbera ay ka gashay kaalinta labaad.

Warbixintan waxa qoray weriye Chinedu Okafor oo ah suxufi khibrad u leh ganacsiga iyo dekedaha. Waxaanu soo bandhigay dekedaha ugu horreeya qaarada Afrika.

Warbixintu waxay caddaysay in dekedda Berbera ee Jamhuuriyadda Somaliland ay kaalinta labaad ka gashay liiska kala horeynta dekedaha Afrika. Waxana sida lagu xusay warbixintan ka horreysa oo ka kaliya dekedda Jabuuti.

Waxa kaalinta saddexaad ku jirtay dekedda Conakry ee dalka Guinea, halka kaalinta Afraad ay gashay marsada Dakar ee waddanka Senegal.

Waxa kale oo lixda kala yihiin:-

5. Dekedda Matadi Jamhuuriyadda dimuqraadiga Congo.
6. Marsada Tema ee waddanka Ghana.
7. Dekedda Muqdisho ee Soomaaliya.
8. Dekedda Beira ee dalka Musambiig.
9. Dekedda Freetown ee Sierraleone.
10. Dekeda Toamasina ee waddanka Madagaskar.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this