Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Slovenia oo Ku Dhawaaqday Aqoonsigeeda Dowladnimada Falastiin

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Slovenia ayaa ansixisay go’aan ay ku aqoonsanayso dal madax-bannaan oo Falastiiniyiintu ay leeyihiin, sida uu sheegay ra’iisul wasaare Robert Golob, taasoo ka dhigaysa dalkii afaraad oo tillaabadaa qaada markii lagu daro Spain, Norway iyo Jamhuuriyadda Ireland.

“Maanta dowladdu waxay go’aansatay inay Falastiin u aqoonsato dal madax-bannaan ,” ayuu ka sheegay shir jaraa’id oo uu ra’iisul wasaare Robert ku qabtay magaalada Ljubljana Khamiistii.

Go’aanka dowladda ayaa weli u baahan in laga ansixiyo baarlamaanka Midowga Yurub, kaasoo lagu wado in maalinta Talaadada ah la horgeeyo si cod loo qaado.

Go’aanka dawladda Slovenia ee ah in baarlamaankeedu uu aqoonsado dawladda falastiin ayaa ku soo aadaya maalmo yar ka dib markii 3 daloo kale oo isla Yurub ka tirsani ay tillaabadaa qaadeen, kuwaas oo kala ah Norway,Spain iyo Ireland.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this