Sign in to follow this  
Deeq A.

Danjire Bashiir Good oo la Kulmay Hay’adda Nabada Marykanka

Recommended Posts

Deeq A.   

Danjire Bashiir Good oo la Kulmay Hay’adda Nabada Marykanka
IMG-20240530-WA0008.jpg
Hargeysa(Qaran)-Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya dalka Maraykanka Bashiir Sh. Cumar Good, ayaa maalintii Arbacadii ee toddobaadkan kulan xog warran ah la yeeshay koox khubarro iyo diblomaasiyiin ah.

Kulankaas oo lagaga sheekaystay doorka Somaliland ku leedahay sugidda ammaanka Badda Cas iyo awoodda dekedda Berbera ku leedahay dardar gelinta xawiliga dhaqdhaqaaqa ganacsiga ee Geeska Afrika iyo gobolka iyo doorashooyinka ay isku diyaarinayso Somaliland sannadkan dabayaaqadiisa.

Danjire Bashiir Good wuxuu uga mahad celiyey maamulka Machadka Nabadda ee dalka Maraykanka (United States Institute of Peace ( USIP) oo xafiiska ku marti qaaday kulankaas.

USIP waa machad qaran, dhexdhexaad ah oo xor ah oo Golaha sharci dejinta ee Congress-ku uu alkumay, halbeegiisuna yahay in ay suurto gal tahay in la helo caalam aan dagaal ka aloosnayn oo xaqiijiya ammaanka Maraykanka iyo adduunkaba.

Kulanku wuxuu ka mid yahay shirar xidhiidh ah oo Xafiiska Somaliland ee dalka Maraykanku muddaba la yeelanayey laamaha kala duwan ee dawladda Maraykanka iyo xarumaha laga hago siyaasadda dalka.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this