Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliska oo soo bandhigay wiil kale oo caan ah oo loo heysto kiis culus

Recommended Posts

Deeq A.   
445180002_425209243705330_11372200308975

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka Boliiska Gobalka Banaadir gaar ahaan Saldhigga Boliiska Hodan ayaa soo xiray Asmar Daahir Faarax oo ku eedeysan falal anshax-daro ah oo kasoo horjeeda diinteena suuban ee Islaamka iyo dhaqanka wanaagsan ee Soomaaliyeed.

Qoraal ka soo baxay Taliska qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in wiilkaan loo heysto eedeymo culus oo dhaqan-xumo ah, isla markaana sharciga la hor gey doono.

Sidoo kale booliska ayaa bulshada ka codsaday in lagu garab-siiyo la dagaalanka anshax-xumada, iyadoo lagu soo war-gelinayo booliska, si ay tallaabo uga qaadaan.

Qoraalka waxaa lagu sheegay in u jeedka ugu weyn ee qorshahaan laga leeyahay uu yahay in la badbaadiyo mustaqbalka jiilka soo koraya, maadaama dhalinyarada baraha bulshada wax ku baahisay ay qaarkood faafiyaan muuqaalo anshax xumo ah, si ay daawasho badan u helaan.

“Waxaan ka codsaneynaa shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Caasimada iyo hareeraheeda in ay nasoo gaarsiiyaan xogta halka ay ku suganyihiin shakhsiyaadka ku kaca falalka anshax darrada ah, si aan u wada badbaadino mustaqbalka jiilka soo koraya,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Taliska qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir.

Asmar Daahir oo lagu soo sawiray dharkii u uku duubay muuqaalkii ugu dambeeyey ee sababay in lasoo xiro ayaa ku biiraya koox dhalinyaro ah oo u xiran booliska, kuwaas oo loo heysto muuqaalo anshax-xumo ah oo baraha bulshada ay ku baahiyeen.

Intooda badan dhalintaasi waxay caan ka ahaayeen barta TikTok, waxayna maalmo badan ku jiraan xabsiga, booliska ayaa sheegay in la horgeynayo maxkamad, si loogu soo oogo dacwado la xiriira eedeymaha loo heysto.

Muddo dheer ayaa laga digayey in baraha bulshada ay ku fasahaadayaan dhalinyaro badan, hadda booliska Soomaaliya wuxuu fahmay shaqadiis, maadaama uu yahay ilaaliyaha sharciga, waxaa bilowday howlgal lagu soo afjarayo baahinta anshax-xumada oo dhalinyarada qaar ay caadeysteen.

445180002_425209243705330_11372200308975

The post Booliska oo soo bandhigay wiil kale oo caan ah oo loo heysto kiis culus appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this