Sign in to follow this  
Deeq A.

Dawladda federaalka oo ka digtay mawjado iyo dabaylo ka jira badweynta Hindiya

Recommended Posts

Deeq A.   
20240529_194805.jpg?resize=720%2C400&ssl

Wasaaradda dekadaha iyo gadiidka badda xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in uu billowday xilliga bad-xiranka, waxayna kalluumeysatada iyo maraakiibta uga digtay inay ka digtoonaadaan galista gudaha badda.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda dekadaha dawladda federaalka Soomaaliya Saadaam Maxamuud Cabdi oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka digay dekadaha ku yaala badweynta Hindia inay jiraan mawjado iyo dabaylo khasaare gaarsiin kara.

Wasiirka ayaa uga baaqay kalluumeysata, maraakiibta iyo cid kasta oo ku safraysa awoodna aan u lahayn inay iska difaacaan mawjaha in ay digtoonaadaan muujiyaan.

“Waxaan ka digaynaa gaar ahaan dekadaha ku yaala badweynta Hindia inay jiraan mawjado xoog leh iyo dabaylo islamarkaana sababi karta inay dhibaato u gaysato cid kasta oo ku safraysa, cidkasta oo ka kaluumeysanaysa iyo gaadiidkasta oo aan awood u lahayn inuu u bareero mawjadaha badda” ayuu yiri wasiir Saadaam.

Wasiirka ayaa waalidiinta Soomaaliyeed ee ku nool deegaanad xeebaha ah kula dardaarmay inay maalmaha fasaxa iskuulka ay caruurta ka ilaaliyaan inay u dabaal tagaan badda si aysan ula tagin.

Xilliga badxiranka ayaa bilowda bisha May, waxaana uu socdaa ilaa bisha September xilligaas oo uu yaraado isu socodka gaadiidka badda islamarkaana uu istaago kaluumeysiga xeebaha Soomaaliya.

PUNTLAND POST

The post Dawladda federaalka oo ka digtay mawjado iyo dabaylo ka jira badweynta Hindiya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this