Sign in to follow this  
Deeq A.

Hoggaamiyaha ‘Hiiraan State’ oo hanjabaad culus u diray Cali Guudlaawe

Recommended Posts

Deeq A.   
Hiiraan-State.jpg?fit=1280%2C960&ssl=1

Beledweyne (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha maamulka la baxay Hiiraamn State ee fadhigiisu yahay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, Cabdullahi Cabdiraxmaan Aadan (Ganey) ayaa si adag uga hadlay safar uu shalay madaxweyne HirShabelle, Cali Guudlaawe Xuseen ku tegay degmada Matabaan ee gobolkaasi.

Cabdullahi Ganey ayaa ku eedeeyayHirShabelle in ay dhibaato horleh ka abuureyso gobolka, gaar ahaan xuduud u sheegay inay u taallo maamulkooda iyo HirShabelle.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in wixii dhibaato ah ee ka dhaca halkaasi uu mas’uuliyadeeda qaadi doono madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen.

“Wixii mas’uuliyada ah HirShabelle ayaa qaadeyso, waayo waxay dhibaato keeneen xuduuda oo waxay fowdo ka sameeyeen degmada Matabaan” ayuu yiri hoggaamiyuhu.

Dhinaca kale wuxuu ku hanjabay in madaxweynaha HirShabelle tegi karin Beledweyne, isla markaana uu hadda Hiiraan kasoo garay dhinaca Galmudug, sida uu hadalka u dhigay.

“Cali Guudlaawe ma imaan karo Beledweyne, waxaa nagu maqaalo ah in uu Guriceel kasoo dagay maamulka Galmudug magan-galyo siiyay, kadibna sidaas kusoo gudbay” ayuu sii raaciyay.

Khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya labada dhinac ayaa weli halkiisii ah, wuxuuna saameyn ballaaran ku yeeshay horumarkii gobolka Hiiraan ee Soomaaliya.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan iyo halka ay ku dambeyn doonto xiisaddan oo muddo soo taagnayd, maadaama reer Hiiraan ay sameysteen maamul gooni ah.

The post Hoggaamiyaha ‘Hiiraan State’ oo hanjabaad culus u diray Cali Guudlaawe appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this