Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukuumadda iyo madaxda xisbiyada oo isku raacay xiliga la qabanayo doorashada goleyaasha deegaanka degmooyinka dhiman

Recommended Posts

Deeq A.   
444747487_1001165861365756_1316796324291

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Ilyaas Cismaan Lugatoor iyo Madaxda Xisbiyada Siyaasadda Puntland ee Mideeye, Horseed, Sincad, Ifiye, Mustaqbal, Shaqaalaha, Runcad iyo Kaah ayaa yeeshay kulan looga hadlayo qabashada doorashada degmooyinka goleyaasha deegaanka degmooyinka dhiman ee gobolka Nugaal.

Kulanka ayaa looga hadlay u diyaargarowga qabashada doorashooyinka goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Garoowe, Dangorayo iyo Godobjiraan oo ka tirsan gobolka Nugaal.

Xukuumadda iyo Madaxda xisbiyada siyaasadda ayaa isku raacay in inta ka horaysa 1-da agoosto 2024 la qabto doorashooyinka goleyaasha deegaanka degmooyinka Garoowe, Dangorayo iyo Godobjiraan.

Degmooyinka Garoowe, Dangoroyo iyo Godobjiraan ayaan lahayn gole deegaan kadib markii ay ka qabsoomi wayday doorashadii goleyaasha deegaanka Puntland sababo la xariira khilaaf ka dhashay doorashadii madaxtinada Puntland.

PUNTLAND POST.

The post Xukuumadda iyo madaxda xisbiyada oo isku raacay xiliga la qabanayo doorashada goleyaasha deegaanka degmooyinka dhiman appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this