Cowke Posted October 15, 2009 Gudoonka Barlamanka oo sheegay in aan dib loo furi Karin heshiiskii badda ee wadamada Soomaaliya iyo Kenya. Posted: 10/15/2009 5:02:00 PM Shabelle: MUQDISHO Gudoonka sare ee Barlamanka KMG ee Soomaaliya ayaa sheegay in aan dib loo furi Karin heshiiskii dhinaca badda oo ay horay u kala saxiixdeen dowladaha Soomaaliya iyo Kenya. Shir gudoomiyahaasha kulamada Barlamanka KMG ee Soomaaliya ayaa kulan ay maanta isugu yimaadeen oo uu shir gudoominayay gudoomiyaha Barlamanka KMG ee Soomaaliya Sheekh aadan Max’ed Nuur Madoobe ayaa looga hadlay wadatashiyo ku saabsan furitaanka kalfadhiga Barlamanka iyo warbixino ay u soo bandhigayeen gudoonka Barlamanka Shir gudoomiyahaasha gudiyada Barlamanka. Kadib kulankaasi ayaa waxaa saxaafadda kula hadlay Xafiiska gudoomiyaha Barlamanka Sheekh Aadan Max’ed Nuur Madoobe kaasoo wax laga weydiiyay warar dhawaanahan soo baxay oo sheegayay in warqad ka socota Xafiiska Ra’iisul wasaaraha loo gudbiyay Qaramada Midoobay si dhex dhexaadin ay uga dhex furto heshiiskii dhinaca badda ee wadamada Kenya iyo Soomaaliya oo ay horay u diideen Mudanayaasha Barlamanka dowladda kMG ee Soomaaliya. Gudoomiyaha Barlamanka ayaa sheegay in heshiiskaasi ay joojiyeen Barlamanka islamarkaana aysan jirin dib u soo nooleyn ku aadan Heshiiskaasi. Heshiiskii dhinaca badda ee dhawaan uu diiday Barlamanka ayaa ahaa mid dhaliyay murun xoogan oo ka dhaxeeya golayaasha Barlamanka iyo Xukuumadda KMG ee Soomaaliya taasoo dhalisay gabi ahaanba in heshiiskaasi la joojiyo. Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya. Quote Share this post Link to post Share on other sites