Maaddeey Posted June 16, 2010 Bishan gudeheeda ayaa Tigraygu ka furteen Garoowe wax ay ugu magac dareen qunsuliyad , taasoo la yidhi waxay fududaynaysaa danaha shacabka deegaannadaas kaga xidhmi kara Addis Ababa. Aniga oo u arka in danahaas la sheegay iyo fududayntooduba aanay ahayn ujeedada dhabta ah ee ka danbaysa iclaaminta xafiiskan awalba furnaa, mid la mid ahina ka furan yahay caasimaddii labaad ee ummadda Soomaaliyeed lahayd waa Hargaysa ‘ e , kuwo kale oo bandanna ay soo socdaan sida mid uu yeelan doono maamulka Galmudug , maamullada yaryar ee jidka kusoo jiraana ay saamiyadooda heli doonaan , iyada oo aragtidayda ku aadan xafiiskan ay sidaas tahay hadana waxaan jeclaystay inaan akhristaha la wadaago waxa uu xanbaarsan yahay iclaaminta xafiiskani wakhtigan, waxaan is leeyahay inay ugu mug wayn tahay: 1. Maamulka puntland oo galay marxalad cusub oo uu ku kasbaday :In Itoobiya muujiso sida ay u danaynayso ‘’xidhiidhka’’ ay la leedahay maamulkaas. 2. Iclaamintani waa tallaabo ay ka horreeyeen tallaabooyin kuwo kalena ay daba socdaan oo isugu biyo shubanaya in ummadii soomaaliyeed ee muslimka ahayd geeska Afrikana awoodda iyo sumcadda ku lahayd la hoos geeyo taliska Addis Ababa iyaga oo jeesas iyo jifooyin kala dana ah, isuna cadaw ah , yoolkooda u waynina yahay inay u kala tartamaan raalli galinta xabashiga. 3. Cid kasta oo rajo ka haysay ama ku riyoonaysay in Tigraygu Soomaali dawlad u samayn doonaan la tuso dawladnimada Soomaaliya lala rabo nooca ay tahay, taasoo ah in Soomaalidu noqoto sidii xayn adhi ah oo marba hormo yar loo sii daayo Addis Ababa. 4. In lagu bah dilo qof kasta oo rajo ka haysay maamul goboleedyada Soomaaliya ka jira , gaar ahaan culimada Soomaaliyeed ee gobolladaas ku nool. 5. Waxaan qarsoonayn culimo Soomaaliya magac iyo maamuus ku lihi inay nadwo ku qabteen isla magaaladaas oo wixii ay iyagu u arkayeen inay tahay danta ummadda kaga hadleen haba ugu waynaato dagaallada koonfurta Soomaaliya ka socda, nadwadaas oo ay ka qayb qaateen madaxda ugu sarsaraysa ee maamulkaas, aragtidayda ma aha wax si lama filaan ah u dhacay in wakhtigaas kooban oo wali kuraastii laga kacay diirran tahay lagu abaabulo xaflad lagu soo dhowaynayo cadawgii soo jireenka ahaa ee ummaddani lahayd, ujeedkuna waa in la muujiyo in culimada laftoodu raalli ka yihiin, ama la muujiyo dacfigooda iyo sida aanay u hirgalayn wixii ay ku dhawaaqayeen dhagna loogu jalaqsiinayn. 6. In Tigraygu tusaan islaamiyiinta kusoo dhowaanaya maamullaadaas in ay arrintaasi tahay khad cagaaran oo aanay aqbali doonin in loo gacan dhaafo. 7. Waxaan iyana meesha laga saari Karin xabbad-joojinta ama heshiiska farxadda iyo soo dhawaynta badani ku dheehnayd ee dhex maray jabhadda xoraynta soomaali galbeed iyo in calanka Tigrayga laga qotomiyo Garoowe, taasoo looga gol leeyahay in Soomaalida loo tuso inay marxalad cusub gashay oo Itoobiya lala heshiin karo lala nabdi karo iyadoo wixii ay galeen iyo dhulkii ay dhaceen toona laga wada hadal. 8. In shaki, cuqdad iyo kala fogayn lagu kala abuuro kooxaha “Islaamiyiinta” ah ee koonfurta ka taliya iyo walaalahooda ducaadda iyo culimada ah ee maamul goboleedyaadaas ku nool. 9. Soo dhowaynta xafladdii loo qabtay xabashiga oo uu u xilsaarnaa nin derajada ugu sarraysa ka gaadhay ciidankii jamhuuriyadda soomaaliya, waxay daba taallaa bahdilidda gaarka ah ee loo geysanayo hay’addii u taagnayd difaaca karaamada iyo dhulka ummadda Soomaaliyeed, waa wasaaraddii difaaca ‘ e, ma fogayn markii ciidanka Tigrayga ee muqdisho xasuuqa ka waday calanka ka taagteen xarumihii ciidanka soomaalida looga talin jiray!!! Ujeedkuna wuxuu ahaa: ku quuso qudhaanyo. Gunaanad Murti soomaaliyeed baa waxay odhanaysaa “Wallee hadaan maanta la daba qaban meel fog baa laga dooni doonaa” waxaan uga jeedaa : sida ay maanta tigraygu ugu dhex jiraan soomaaliya iyo siyaasadaheeda hadaan yac laga odhan maalin xeedho iyo fandhaal kala dhaceen baa la hanbabari doonaa, ama jiilasha soo socda baa looga tagi doonaa dhaxal ay ku cuslaan doonto inay qaadaan iyo mashaakil ay mustaxiil noqon doonto inay xalliyaan. Waxaan kusoo gunaanadayaa culimada, waxgaradka iyo qof kasta oo damiir lihi inuu damqado, waxa hareerihiisa ka dhacayana dhug u yeesho, oo aanay qabyaaladda, gobolaysiga, kooxaysiga, iyo danaha gaarka ahi ina indho tirin. Khaladaadka dhallinta muqdisho ka dagaalamaysaba waa la muujiyaa waana laga damqadaa culimo iyo caamaba gar iyo gardarro waxay doontaba ha ahaatee ee tolow wadankaas tagaya ee sii socda iyo ummaddaas cadawgeeda loo sii duduucayo maxaa looga aamusay!!!!!. Malaa waxay u eg tahay in cudurkii dawo noqday, jahligiina cilmi isu rogay Markastoo jahligu caam noqdoo aad u cududaysto Cilmigaa xumaan noqdoo laga cajiibaaye Haddii caafimaad la yiri waa cudur wax aafeeya Cajab ma laha in duul rogmaday cidhib go’aayaane WQ: Cabdiraxmaan Abyad Abyad2@hotmail.com Quote Share this post Link to post Share on other sites