Sign in to follow this  
General Duke

Imaam's and religious leaders meet TFG : PICS

Recommended Posts

Masoomayaasha Oo Digniin Dowladdu U Dirtay

 

Muqdisho, Somaliya (Calanka) 06-Sebtember-2007

 

Kulan ballaaran oo ay maanta xarunta Gobolka Banaadir isugu yimaadeen mas’uuliyiin ka socotay wasaaradda owqaafta iyo arrimaha diinta, mas’uuliyiinta gobolka Banaadir, Imaamyada iyo Qadiibyada masaajida Muqdisho ayaa looga hadlay sidii si mideysan hal mar looga Soomi lagaa bisha Barakeysan ee Ramadaanka o fooda nagu soo heysa.

 

Sh. Cali Sh. Maxamuud (Sh. Cali Dheere) oo ah Agaasimaha waaxda owqaafta oo kulankaas soo qaban qaabiyay ayaa Imaamyada iyo Qadiibyada masaajidyada Muqdisho u sheegay in khudbooyinka salaada Jimco ay noqdaan kuwo isku mid ah oo aan wax u dhimeyn arrimaha iminka ka taagan magaalada Muqdisho, isagoo sheegay in kormeer lagu sameyn doono masaajidyada isla markaana hal mar Muqdisho oo dhan looga soomi lahaa loogana ciidi lahaa si aaney u dhicin isbarbar yaacii iyo khilaafyadii hore.

 

Imaamyada & Qadiibyada Masaajidda Muqdisho

 

 

Wasiirka Dastuurta ahna Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Md. Cabdullaahi Sh. Ismaaciil oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in ay tallaabadan ay tahay mid si weyn ay u soo dhoweynayaan mas’uuliyiinta dowladda iyo shacbiga Islaamka ah gaar ahaan kuwa ku dhaqan magaalada Muqdisho, intii karaamkooda ahna ay dowladdu taageero buuxda u fidin doonto.

 

Ku xigeenka arrimaha Siyaadadda Gobolka Banaadir Md. Cabdulaahi Xasan Ganey (Firimbi) ayaa sheegay in ay tallaabo cad ka qaadi doonaan kooxaha ma soomayaasha ah iyo kuwa ganacsiga raashinka bisil sameeya xiliga bisha Ramadaan lagu guda jiro in ay mudeysan doonaan xarig iyo ganaax isagoo shacbiga Soomaaliyeed ee Muslimka ah ugu baaqay iney is xil saaraan oo aysan ka cabsanin amar dowlo, balse cidii ku xadgudubta ay tallaabo ka qaadi doonaan.

 

Firimbi iyo A/Fitaax Shaawey

 

 

“Kooxaha meelaha luuqyada ah raashinka ku kariya bisha Ramadaan waa la yaqaan, waana ka burburin doonaa” , ayuu si kulul u yiri Mudane Firimbi oo bisha Ramadaan shacbiga Soomaaliyeed ugu duceeyay nabad iyo barwaaqo.

 

Kulankan ayaa waxaa ka soo qeybgalay ku xigeenadda Gobolka Banaadir oo ay ka mid yihiin Md. Maxamed Cusmaan Cali Dhagaxtuur, Md. C/Fitaax Ibraahim Shaawey iyo mas'uuliyiin kale oo ka socotay dowladda Federaalka iyo maamulka Gobolka Banaadir.

 

Calanka + G/Banaadir

 

Calanka.com: Isha Wararka Xaqiiqda

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha diinta oo in ka badan 450-culumaa’udiin ah kulan kula yeelatay xarunta Maamulka Gobolka Banaadir

 

Mogadishu, Jimco , September 07 2007 SMC

Kulan ay soo qaban qaabiyeen wasaarada Awqaafta iyo arrimaha diinta ayna ka qeybgaleen mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda federaalka uuna ka mid ahaa Ra’iisul wasaare ku xigeenka dowladda federaalka ahna wasiirka destuurka Baarlamaanka federaalka C/laahi Sheekh Ismaaciil ayaa waxa looga hadlaayay mideynta Masjidyada magaalada Muqdisho si aadaanka salaadaha ee magaalada Muqdisho uu u noqdo mid qura.

 

Sidoo kale kulankaas waxaa looga hadlay waqtiyada Bisha Ramadaan, Afurka iyo Ciidaha, oo sanadihii la soo dhaafay ay ahaayeen kuwo ay culumadu isku khilaafsanaayeen, taasoo keeni jirtay in khilaaf ay dadku ku soomaan kuna ciideystaan.

 

Ka qeybgalayaasha kulankaas oo gaarayay ku dhawaad 500-ruux kana kala socday Masjidyada ku yaal magaalada Muqdisho ayaa iyaguna soo dhaweeyay in loo baahnaa mideynta Culimada, gaar ahaan kuwa maamula masjidyada oo intooda badan aan laheyn wax xiriir ah.

 

Agaasimaha Waaxda garsoorka iyo arrimaha Diinta sheikh Cali Sheekh Maxamuud [ Sheekh Cali Dheere] kana mid ahaa mas’uuliyiintii halkaas ka hadashay ayaa waxa uu sheegay in waqtiga salaada Jimcaha goobaha ganacsiga aan la furi Karin ilaa la tukado salaada Jimcaha.

 

Sidoo kale Ku simaha Gudoomiyaha Gobolka Banaadir C/laahi Xasan Ganey Firinbi ayaa isaguna amar ku bixiyay gaadiidka Bl-ka iyo goobaha ganacsigaba inay joojiyaan howlahooda inta lagu jiro salaada Jimcaha, isagoo amar dul dhigay gudoomiyaasha degmooyinka iyo saldhigyada Booliska degmooyinka G/Banaadir, isagoo sheegay in cidii amarkaas jebisa talaabo sharci laga qaadi doono

 

Somaliweyn Media Center (SMC)

Mogadishu Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Masha'alaah, Good news that the Imams and Sheikhs of Banadir are on board.

 

The TFG need to do more of these meeting, it's productive.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this