Sign in to follow this  
General Duke

Courts: No problem with INDACADE....Lower Shabbele is ok

Recommended Posts

Sheekh Xassan Daahir::: Maamulka Sh/hoose waa mid lamid ah kuwa Puntland iyo Somaliland

Last Updated::2006-08-22 14:00:50

 

aweys_indhacade.JPG

Muqdisho:- Hogaamiyaha Maxkamadaha Islaamiga ahna Guddoomiye Golaha Shuurada ayaa markii ugu horeysay Muujiyey taageerada uu hayo Maamulka Shabeelada Hoose.

 

Sheekh Xassan Daahir Aweys oo dhawaan soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa markii ugu horeysay si toos ah uga jawaabay su'aalo la xariira kulamo la sheegay in ay hogaamiyaasha Maxkamadaha ka yeesheen arrinta Gobalka Shabeelada Hoose oo uu indhawaale murran ka taagnaa.

 

Sheekh Xassan Daahir Aweys oo ka hadlayey maamulka Yusuf Siyaad indhacade ayaa sheegay [...Maxkamadaha waan u sheegnay in Gobalka Shabeelada Hoose uu leeyahay Maamul...] ayuu yiri Sheekh Xassan Daahir Aweys oo intaa ku daray in dadka qaarkiis ay aad u deg deg badan yihiin.

 

Wuxuu sheegay in Maamul uu ka jiro gobalka Shabeelada Hoose asagoo meesha ka saaray in maamulkaasi la bedalo.

 

Sheekh Xassan Daahir Aweys ayaa yiri [...gobalkaasi maamul baa ka jira maamulkaasina waa mid taageeray Maxkamadaha isla markaana qeyb ka ah, wuxuuna lamid yahay maamulada dalka Soomaaliya kajira sida Puntland, Somaliland iyo Jubooyinka...]

 

Sheekha Xassan Daahir ayaa sheegay in la sixi doono wixii khaladaad ah oo jira balse maamulka shabeelada hoose uu yahay mid dhiigiisa u huray dhaq dhaqaaqa Maxkamadaha Islaamiga.

 

Warkan kasoo baxay Guddoomiyaha Golaha Shuurada ee Maxkamadaha Islaamiga ayaa ah mid lamid ah warkii uu shalay soo saaray Guddoomiyaha Golaha Fulinta Shiikh Shariif Axmed oo asagu sheegay in la joojiyo daacayada lidka ku ah Maamulka Shabeelada Hoose.

 

Shiikh Shariif Axmed oo horey loo sheegay inuu khilaaf soo dhexgalay Yusuf Siyaad Indhacade, ayaa mar uu shalay gaaray deegaanka Tixsiile ee degmada Afgooye (Sh/hoose), halkaasi oo shalay lagu qabtay munaasabad lagu furayey buundooyin dayactir lagu sameeyey.

 

Shiikh Shariif Axmed oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in Maxkamadaha ay hada ku mashquulsan yihiin Gobalka Banaadir, isla markaana Gobalka Shabeelada Hoose uu hada ka jiro maamul qeyb ka ah kacdoonka Maxkamadaha Islaamiga.

 

Shiikh Shariif Axmed ayaa sheegay in maamulka Shabeelada hoose taageeradiisa aan loogu bedali karin waxa aysan mudneyn, balse sheegay in la dhisi doono Maxkamado gobalkaasi, marka ay kasoo faro xashaan Gobalka Banaadir.

 

Erayada taageerada ah ee labada hogaamiye ee ugu sareeya Maxkamadaha Islaamiga ay ku taageereen maamulka Shabeelada Hoose ee Yusuf Siyaad Indhacade ayaa kusoo beegmay xili ay shacabka Soomaaliyeed isha ku hayaan baaqyada kasoo baxaya dadka ku dhaqan deegaanka Shabeelada Hoose oo codsaday in Maxkamadaha ay deegaankaasi yimaadaan.

 

Maamulka Yusuf Siyaad Indhacade ee ka arrimiya Gobalka Shabeelada Hoose ayaa horey xabsiyada magaalooyinka Baraawe iyo Afgooye ugu xiray shaqsiyaad si toos ah u taageeray in Maxkamadaha Islaamiga ah ay la wareegaan gacan ku heynta gobalkaasi.

 

Waxaa sidoo kale jiray culumaa'udiin kamid ah Maxkamadaha Islaamiga oo laga soo celiyey safar ay ku tageen magaalada Marka, arrintaasi oo la sheegay in ay keentay khilaaf soo kala dhexgalay mas'uuliyiinta sare ee Maxkamadaha Islaamiga.

 

Balse waxaa hada muuqata in Mas'uuliyiinta Maxkamadaha ay meesha ka saareen khilaafkaasi isla markaana go'aansaday in dib loo dhigo arrimaha la xariira gobalka Shabeelada Hoose, loona daayo maamulka hada ka jira deegaanadaasi.

 

Maxamed Cabdi

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

MUQDISHO: Sheekh Shariif Sheekh Axmed: Halla Joojiyo dacaayadda lagu hayo Shabeellad Hoose, innaga ayaa...

Posted to the Web Aug 21, 15:50

 

 

Muqdisho (PP) – Guddoomiyaha Golaha fulinta ee Maxkamadaha Muqdisho Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa wuxuu daboolka ka qaaday in shacabka Soomaaliyeed ay ka daayaan dacaayadda Gobolka Shabeellada Hoose iyo Maxkamadaha.

 

 

 

Sheekhu wuxuu sheegay in dacayaad la fidiyo ay tahay fool xumo aad u weyn isla markaana aan loo dulqaadan karin wixii maanta ka dambeeyay in la dacaayadeeyo Shabeellada Hoose maamulka ka jira iyo shacabka ku dhaqan intaba, sidoo kalena aan loo dulqaadan karin in la af-lagaadeeyo Maxkamadaha Muqdisho.

 

 

 

"Markii ay Maxkamaduhu ku jireen dagaalladii ay la galeen kooxihii shayaadiinta ahayd, gobolka shabeellada dhexe maamulkiida iyo shacabigiisuba waxay ahaayeen kuwo la saftay Maxkamadaha, marka ma ahan inaan maanta ugu abaal-gudno dacaayad iyo dhibaatooyin kale" ayuu yiri Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

 

 

 

Sheekhu wuxuu sheegay in maamulka ka jira Shabeellada Hoose haddii uu qaladaqad leeyahay ay iyagu u taagan yihiin inay saxaan isla markaana aan loo baahanayn in dacaayado la furo xilligaan.

 

 

 

"Waxaan diyaar u nahay inaan wax ka qabanno maamulka shabeellada hoose qaladaadkiisa, balse ma ahan inaan dacaayadeyno intaas ka hor, balse markii aan maamul u sameyno Magaalada Muqdisho ayaan fiirin doonnaa dhanka Shabeellada Hoose isla markaana aan wax saxaynaa" ayuu yiri Sheekha oo sheegay.

 

 

 

Waa markii guu horreysay oo uu Sheekh Shariif Sheekh Axmed ka hadlo maamulka Shabeellada Hoose, waxaana tani ay ka dhigaysaa in Maxkamaduhu ay qorsheynayaan inay wax uun ka qaban doonaan Maamulka shabeellada Hoose oo ah utun qof walba oo Soomaali ah ku taagan.

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

E-mail: puntlandpostmog@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sheekh Shariif oo difaacay maamulka gobolka Shabeellaha hoose ka taliya ee lagu eedeynayo in dhibaato uu ku hayo dadka u dhashay gobolkaasi

 

August 22, 2006 Markacadeey.

 

 

--------------------------------------------------------------------------------

 

Guddoomiyaha golaha fulinta maxkamadaha Muqdisho ayaa maanta difaacay maamulka ka taliya gobolka Shabeellaha hoose oo lagu eedeeyo in uu dhibaato weyn ku hayo dadka u dhashay gobolkaasi, waxa uuna ka digay wax uu ku sheegay dacaayadaha ka dhanka ah maamulkaasi.

 

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo maanta xariga ka jaray Buundada Tisxiile oo dib u habeyn lagu sameeyay ayaa codsaday in la joojiyo dacaaydaha ka dhanka ah maamulka ka taliya gobolkaasi oo uu sheegay in dhiig fara badan ay u hureen nabada maanta ka jirta magaalada Muqdisho, mana loo baahna buu yiri in loogu abaal gudo waa ******** iyo isbaaro ayaa u taalla.

 

Sheekh Shariif ayaaa sidoo kale uga digay warbaahitnta hadalada dacaayada ah ee laga fidinayo maamulka Shabeellaha hoose iyo maxaakimta islaamiga, waxa uuna sheegay dacaayadu in ay tahay tan wax bur burisa, fitnada abuurta, isagoo xusay in ay sixi doonaan wixii qaladaad ah ee ka jira gobolka Shabeellaha hoose.

 

Sidoo kale Sheekh Shariif waxa uu ka hadlay qorshaha urur goboleedka IGAD ciidamada ay ugu soo dirayaan wadanka Soomaaliya, isagoo xusay in aysan qaadan doonin in IGAD dagaal ay u soo safriso dalka Soomaaliya.

 

Waa markii ugu horeysay oo uu Sheekh Shariif ka hadlo arrinta gobolka Shabeellaha hoose oo dad badan ay isweydiinayeen goorta maxaakimta islaamiga ay la wareegayaan, isla markaana ay ku wareejinayaan dadka u dhashay gobolkaasi.

 

 

Maxamed Carab

Xafiiska Markacadeey Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sheekh Xasan Dahir Aweys oo Maamulka ka jira Shabeellaha Hoose

 

Hoose la meel dhigay Maamulada ka jira Puntland, Somaliland iyo Dooxada Jubba.

 

{Muqdisho}22-08-06 Tan iyo markii ay soo baxday awooda Maxkamadaha Islaamiga ee ka jira Soomaaliya waxaa jiray su’aalo dhawr ah oo soo noqnoqday kuwaas oo ay dadka iska weydiinayeen bal waxa ay Maxkamadaha ka yeelayaan Maamulka uu Madaxda ka yahay Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde),

 

), dad badan ayaa waxay rumeysan yihiin in Indha Cadde xoog ku joogo Gobolkaas sidaas darted loo baahan yahay in tallaabo la mid ah tii laga qaaday Maamuladii Maxamed Dheere iyo Yuusuf Dabageed waa Jowhar iyo Hiiraan laga qaado.

 

Haddaba Labada Mas’uul ee ugu sareysa Golaha Maxkamadaha Islaamka Soomaaliya waa Sheekh Xasan Dahir Aweys iyo Sheekh Shariif Aheekh Axmed ayaa labadaba waxay difaaceen Maamulka Gobolka Shabeellaha hoose uu madaxda ka yahay Indha Cadde.

 

Guddoomiyaha Golaha Shuurada Maxkamadaha Islaamka Soomaaliya Wadaadka lagu Magacabo Xasan Dahir Aweys waxaa uu sheegay in Gobolka Shabeellaha hoose uu ka jiro Maamul sidaas darted Maxkamadaha aysan u soo jeesan.

 

“Dadku waa kuwu degdeg badan ku jiraan, waana deg deg badan yihiin, haddii Gobolka shabeellaha hoose wax uun ka jiraan waxaa lagu xalin doonnaa si degan oo dib loogu soo saxayo Maamulkaâ€ayuu yiri Sheekh Xasan Dahir Aweys.

 

Waxaa uu sheegay in Maamulka ka jira Shabeellaha hoose uu la mid yahay Maamulada ka jira Somaliland, Puntland iyo Jubbooyinka waa sida uu hadalka u dhigay.

 

Dad badan ayaa waxay la yaab ku noqotay dhawaaqa cusub ee Maxkamadaha ku difaacayaan Maamulka uu madaxda ka yahay Sheekh Yuusuf Indha Cadde xilli dadku sugayeen in tallaabo cad laga qaado Indha Cadde iyo Maleeshiyadiisa

 

News Desk WidhWidh Online

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this