Sign in to follow this  
Deeq A.

Xogta sida ay dowladda federaalka howl-gallo uga fulin karto deegaanada Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   
Danab.jpg?fit=1200%2C799&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya waxay Axaddii sheegtay in 20 xubnood oo ka tirsan maleeshiyadda argagixisada in lagu dilay deegaanka Caalmadow ee maamulka Puntland.

Sida ay faafisay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya waxaa weerarkaasi iska kaashaday ciidanka dowladda Soomaaliya iyo saaxiibada caalamiga ah.

War-saxaafadeed ay soo saartay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in xog ay heleen ciidanka dowladda Soomaaliya oo sheegaysay in koox argagixiso ay isku aruursanayaan Caalmadow inay sababtay in la duqeeyo argagixisadaasi, taasina ay dhashay geerida 20 maleeshiyo ah oo ku jiraan horjoogayaal.

Laakiin Puntland ayaa diiday libintaasi ay sheegteen ciidanka dowladda Soomaaliya. War-saxaafadeed ay soo saartay wasaaradda warfaafinta ee Puntland ayuu maamulka ku beeniyay inay ciidan taabacsan dowladda federaalka joogaan ama wax howl-gal ah ka sameeyeen deegaanka Caalmadow ee maamulka Puntland.

Maamulka waxay been abuur ku tilmaameen farriinta kasoo baxday dowladda federaalka, waxay intaas ku dareen in deegaanadooda aanay joogin ciidan ka tirsan xoogga dalka ama kuwo taabacsan dowladda dhexe, iyaguna Puntland ahaan ay amnigooda masuul ka yihiin.

Laakiin Puntland ma aanay beenin mana xaqiijin inay duqeyn ka dhacday Caalmadow. Maadaama ciidan ka tirsan kuwa dowladda federaalka Soomaaliya aanay joogin deegaanada Puntland waxay dad badani isweydiinayaan sidee ayay macquul ku tahay inay dowladda federaalka ku lug yeelato weerarkan, laakiin waxay ugu lug yeelan kartaa sirdoon ahaan.

Inta badan ciidanka dowladda Soomaaliya iyaga ayaa bixiya xogaha duqeymaha oo siiya saaxiibada caalamiga ah, xogtaasi ayaana badi lagu fuliyaa duqeymaha, kadibna dowladda federaalka Soomaaliya ayaa faafisa natiijada duullaanka.

Marka sidaas loo eego dowladda federaalka waa sheegan kartaa ku lug lahaanshaha duullaanada nuucaan ah meel walba oo dalka kamid ah oo ay ka dhacaan.

Farriinta maamulka Puntland waxay u muuqata mid weli baalka ku haysa khilaaf siyaasadeedka dowladda dhexe iyo maamulka Puntland. Laakiin waxaa fiicnaan laheyd in siyaasadda laga fogeeyo la-dagaalanka argagixisada, maadaama ay argagixisada tahay cadow dhib ku haya guud ahaan umadda Soomaaliyeed.

Laamaha amniga ee heer federaal iyo kuwa heer maamul goboleed waxaa hortaalla inay qaatan masuuliyad ka weyn isriix-riixa siyaasiyiinta oo ay wada-jir ula dagaalamaan argagixisada naafeysay nabaddii iyo horumarkii umadda Soomaaliyeed.

The post Xogta sida ay dowladda federaalka howl-gallo uga fulin karto deegaanada Puntland appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this