Deeq A. Posted May 28, 2024 Faalladayda Sheekada Abwaan Weedhsame, Allaa Yaxfidah. Aniga aragtidayda sheekadani laba macno ayay sidaa. Midi waa midda markiiba muuqanaysa ee abwaankuna tilmaamay oo waxa afka qalaad loogu yeedho Political Economy, ama in shaqo ama isbeddel kastaa leeyahay cid dan dhaqaale ama siyaasadeed ku qabtaa jirto. LAAKIIN macnaha kale ee kasii durugsan ayaa ah. Ninka caydhoobay ee indhaha beelay ee hagidda u baahan waxaa lagu matalayaa dadka REER SOMALILAND ee dhibaatadu ku habsatay ee kasoo kabanaaya diiftii colaadda iyo burburkii loo gaystay ee wixii ay maal iyo mood lahaayeen laga burburiyey. Kuwa ku tartamaya inay hagaan oo u dawariyaan wixii soo galana qaybta badan qaataan oo ku qadhaantaanna waxaa lagu metelayaa siyaasiyiintii ku tartamay xilalka iyo inay dadka dhibka ka saaraan laakiin iyagu NINKII GUULAYSTAY halkii uu ummadda wax uga qaban lahaa isagu ka macaashay oo ku taajiray! Qaylada isla oogsatayna waxaa laga wadaa diidmada doorashooyin xor iyo xalaala waana ta keentay in ka-kacaayda iyo muusanowga lagula meeraysto reeraha! Xaalku waa raqda ha iga kicinina inta aan haragga ku reebayo! Intaas bay ila tahay WQ. Abwaan Faradheere Qaran News Share this post Link to post Share on other sites