Sign in to follow this  
Deeq A.

Dalal kamida Yurub oo maanta si rasmi ah dowlad ugu aqoonsanaya Falastiin iyo Israa’iil oo ka hadashay

Recommended Posts

Deeq A.   

Saddexda waddan ee Yurub waxay rajeynayaan in ficilka astaantu u badan yahay uu diiradda saari doono baahida loo qabo in la soo afjaro tobanaan sano oo dagaal ah oo ka socday Bariga Dhexe iyo soo nooleynta xal laba dawladood ah oo Israel iyo Falastiin ah.

Israa’iil ayaa si caro leh uga jawaabtay, waxayna saddexda waddan ku eedaysay inay abaal-gud u siiyeen argagixisada.

Waxay la baxday safiirradeedii saddexda waddan waxayna si rasmi ah u canaanatay ergadoodii Israa’iil.

Xamaas iyo maamulka Falastiin ayaa soo dhaweeyay aqoonsiga. Inta badan wadamada Qaramada Midoobay waxay u aqoonsan yihiin Falastiin inay tahay dowlad, inkastoo dalal yar oo Yurub ah ay sidaas sameeyaan.

bbcsomali

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this