Sign in to follow this  
Deeq A.

Itoobiya iyo Kuwait ayaa kala saxiixday Is-afgarad si loo fududeeyo shaqo abuurka shaqaalaha Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   

Itoobiya iyo Kuwait ayaa kala saxiixday Is-afgarad si loo fududeeyo shaqo abuurka shaqaalaha Itoobiya
EthopiaKuwait.jpeg
Itoobiya iyo Kuwait ayaa kala saxiixday heshiis is-afgarad ah (MoU) oo dhigaya in la sameeyo qaab shaqo oo shaqaale Itoobiyaan ah oo ku sugan Kuwait. Heshiiskan ayaa waxa u saxeexay wasiirka shaqada iyo xirfada ee Itoobiya Muferihat Kamil, iyo Nasser Hajji Al-Mutairi oo ah safiirka Kuwait ee Itoobiya, sida ay sheegtay warbaahinta dawladda.

Xafladda lagu kala saxeexday heshiiskan ayaa waxa goob joog ka ahaa Solomon Soka oo ah wasiir ku xigeenka wasaaradda shaqada iyo xirfadda ee Itoobiya, Siciid Maxamed oo ah safiirka Kuwait ee Itoobiya iyo masuuliyiin kale oo ka kala socday labada dal.

Sida laga soo xigtay warbaahinta dawladda, Is-afgaradku wuxuu ujeedkiisu yahay in la abuuro hannaan sharci oo qeexaya xuquuqda iyo faa’iidooyinka ay u leeyihiin shaqaalaha Itoobiya ee jooga Kuwait iyada oo kor loo qaadayo iskaashiga labada waddan. Heshiiska ayaa la filayaa inuu hagaajiyo habka shaqaalaynta iyadoo la siinayo hagitaan cad oo loogu talagalay loo shaqeeyaha iyo shaqaalaha.

Wararka ay heleyso warbaahinta ayaa sheegaya in dalka Kuwait ay ka jirto gabaabsi dhanka shaqaalaha guriga ah taasi oo ay sabab u tahay mamnuucida xoogsatada #Filibaani. Khubaradu waxay kula taliyeen dawladda Kuwait inay xal u raadiso, oo ay ka mid tahay inay shaqaale ka qortaan dalal ay ka mid yihiin Itoobiya.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this