Sign in to follow this  
Deeq A.

Duufaan Dhimasho iyo Barakac Sababtay oo Ku Dhufatay Xeebaha Bariga Hindiya iyo Bangaladesh.

Recommended Posts

Deeq A.   

Ugu yaraan sagaal qof ayaa ku dhintay in ka badan hal milyan oo qofna waa laga daadgureeyay ka dib markii duufaanta Remal ay ku dhifatay xeebaha bariga Hindiya iyo Bangaladesh.

Duufaanta ayaa ku soo dhacday gobollada xeebta ee Bangladesh, gaar ahaan agagaarka dekedda Mongla, iyo jasiiradaha ku dhow ee Sagar oo ka tirsan gobolka West Bengal ee dalka Hindiya, iyadoo xawaaraha dabayshu uu ahaa mid aad u sarreeya oo gaaraya135kmph, sida ay sheegtay waaxda saadaasha hawada ee Hindiya (IMD).

Duufaanta Remal uu billaabatay maalintii axadda abbaare 3-dii galabnimo ayaa socatay muddo shan saacadood ah, sida uu sheegay xafiiska saadaasha hawada gobolka ee Kolkata.

Remal ayaa ahayd duufaantii ugu horeysay ee ku dhufatay gacanka Bengal sanadkan ka hor inta aan la gaarin bilaha Juun-Sebtembar oo aaggaa dabayluhu ku badanyihiin.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this