Sign in to follow this  
Deeq A.

Israa’iil oo xasuuq ka gaysatay xero ay ku barakaceen falastiyiinta Rafax

Recommended Posts

Deeq A.   
Capture-s.jpg?resize=723%2C395&ssl=1

Ciidamada Israa’il ayaa duqeeyay xero ay ku nool yihiin dad barakacayaal ah oo ku yaala aag nabdoon oo kamid ah Rafax, halkaasi oo ay ku dileen ilaa 40 falastiiniyiin ah oo haween iyo caruur ah, sida ay sheegtay wakaalada wararka ee Wafa.

Goobtan ay duqeeyeen ciidamada Israa’iil horey ayay u calaamadaysay in ay ka mid noqoto meelaha nabdoon ee ay ciidanka Israa’iil ku dhawaaqeen inay dadku degi karaan, markii ay billaabeen howlgalkooda Rafax.

Duqeymaha iyo weerarka ayaa ah mid sii socda, iyadoo dhimashada ay hadda kor u dhaaftay 190 qof oo rayid ah oo carruur u badan.

Weerarka lagu qaaday xerada Tal as-Sultan ayaa yimid kadib markii ciidamada Israa’iil ay duqeeyeen guryo ay daganaayeen dad Falastiiniyiin ah oo ku barakacay deegaano kale oo ay ka mid yihiin Jabalia, Nuseirat iyo magaalada Gasa, halkaasi oo ay ku dileen ugu yaraan 160 kale, sida ay sheegeen saraakiisha Falastiiniyiinta.

Weerarka Israa’iil ayaa ku soo aadaya xili maxkamadda cadaaladda aduunka ay ku amartay inay joojiso duulaanka ay ka wado Rafax, waxaana muuqanaysa in Israa’iil ay dhagaha ka furaysatay baaqyada caalamiga ah ee lagu codsanayo inay joojiyo duqaynta xasuuqa ah.

PUNTLAND POST

The post Israa’iil oo xasuuq ka gaysatay xero ay ku barakaceen falastiyiinta Rafax appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this