Sign in to follow this  
Deeq A.

Armenia oo afar tuulo ku wareejisay Azerbaijan

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada ilaalada xadka Azerbaijan ayaa Jimcihi si rasmi ah ula wareegay, afar tuulo oo ka tirsan degmada Gazakh ee dhacda xadka ay Armenia, tallaabadan oo qeyb ka ah heshiis ay labada waddan dhawaan kala saxeexdeen.

Raysal wasaare ku xigeennka Azerbaijan Shahin Mustafayev, ayaa sheegay in baaxadda dhulka lagu soo celiyay Azerbaijan uu gaadhayo 6.5 kilomitir oo laba jibbaaran. Wuxuu sheegay in dhulkani loo maray heshiiski ay xukuumadaha Baku iyo Yerevan bishi April.

Armenia ayaa bishi April sheegtay in ay Azerbaijan ku celineyso afar tuulo oo aanan la daganeyn. Labada dowladood ayaa arrintaasi ku sheegay mid tiir dhaxaad u noqon doonto nabad waarta oo ka hirgasha gobolka.

Laakin go’aanka xukuumadda Armenia ayaa dhaliyay bannaanbaxyo arrintaasi looga soo horjeestay oo ka dhacay Armenia. Dibadbaxayaasha ayaana dalbaday inuu is casilo ra’isulwasaare Nikol Pashinyan.

Armenia iyo Azernbaijan ayaa muddo tobnaan sano ah isku heystay lahaanshaha gobolka Nagorno-Karabakh ee ku yaalla xuduudda labada waddan. Labada dal ayaa dhowr jeer uu dhexmaray dagaal toos ah

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this