Sign in to follow this  
Deeq A.

Markab ay afduubteen kooxaha budhcad badeeda Soomaalidu oo la soo furtay

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada Midowga Yurub ee la dagaalanka budhcad badeeda ee ku sugan Badweynta Hindiya iyo Badda Cas ayaa sheegay in markabka ganacsi ee Basilisk oo ka babanayay calanka Liberia laga sii daayay xeebaha Soomaaliya, islamarkaana 17-shaqaale oo la socday ay bad qabaan.

Markabkan ayaa waxaa Khamiistii weerar ku qaaday kooxo looga shakisan yahay inay yihiin budhcad-badeed Soomaali ah, isagoo marayay meel 380-mayl-badeed bari ka xigta magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, sida ay bayaan ku sheegeen ciidamada badda Midowga Yurub.

Midowga Yurub ayaa sheegay in ciidamadoodu ay u diray mid ka mid ah maraakiibtooda dagaalka ee Atalanta, si usoo badbaadiyo markabka iyo shaqaalihiisa oo gacanta u galay burcadbadeedda.

Mid kamid ah shaqaalaha markabka oo ku dhaawacmay weerarka ay qaadeen kooxaha burcadbadeedda ayaa lagu sheegay in xaaladeeda ay aad u wanaagsan tahay, oo haatan la daweynayo.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this