Sign in to follow this  
General Duke

Col Qaybdeed Carays are welcomed in Dhusa Mareb capital of Galgaduud..

Recommended Posts

Col Cabdi Xasan Cawaale & Col Carays oo lagu soo dhaweeyay Magaalada Dhuusa mareeb xili uu soo afjarmay Dagaalkii Maxaakiimta & Ciidamada uu Horkacayo Col Qaybdiid.

 

 

Hobyonet. Muqdisho. Talaado, Dec 26, 2006

 

Dadweyne Farabadan ayaa isugu soo baxay barxada weyn ee magaalada dhuusa mareeb xili ay si fudud ula wareegeen Ciidamada isbahaysiga Mudug & Xoogaga itoobiyaanka ah.

 

 

Dadka reer dhuusa mareeb oo u badnaa dad haysta dariiqa Ahlusuna waljameeca ayaa aad u taageeray habdhaqanka ciidamada Col Cabdi Xasan cawaale isaga oo u sheegay in ay isku dad yihiin loona baahan yahay in laga shaqeeyo nabada& daganaanshaha shacabka daga Mudug & Galgaduud.

 

 

Waxgarad & Culumada dhuusamareeb ayaa soo dhaweeyay arinta Col Qaybdiid iyaga oo Hoosta ka xariiqay in la ilaalsha walaalnimada & Wadanoolaanshaha shacabka Soomaaliyeed meel walba uu joogo.

 

 

Midawaga Maxaakiimta ayaa isaga Huleelay deeganada Gobalada dhexe ee soomaaliya Xili ay ku nafwaayeen dad gaaraya 300 oo qofood oo ka mid ah maleeshiyaadka Maxaakiimta Soomaaliyeed.

 

 

Xasan Yare

GalMudug State Somaliya

HobyoNet.Com

Share this post


Link to post
Share on other sites

200 Boqol oo katirsanaa Ciidamadii Maxakada Al-Furqaan ayaa isku dhiibay Wax garad Kasoojeeda Beesha.... iyada oo lagu wareejin doona saacadaha soo socda Ciidamo uu horkacayo Col Cabdi Xasan Cawaale.

 

 

Hobyonet. Muqdisho. Talaado, Dec 26, 2006

 

Ciidamada Maxaakiimta ayaa Shalay Ku kala faataxaystay kadib markii looga adkaaday magaalada galinsoor dagaal ay isaga hor yimaadeen Ciidamo oo horkacayo Col Cabdi Xasan Cawaale & kuwa Puntland.

 

Ciidamada Kasoo jeeday Beesha Duduble ayaa isaga dhaqaajiyay iyaga oo afka saaray dhulka hawdka ah ee ay kasoo jeedaan Halka Maxkmada Al-furqaan oo uu horkacayo Taliyaha Ciidamada jiida hore uu isku dhiibay Cafisna uu waydiistay Waxgaradka Beesha uu ka dhashay.

 

Ciidamadaam isku soo dhiibay waxgaradka ayaa wata 12 Gawaarida dagaalka ah & gaariyaal Xamuul ah iyada oo la baadi goobayo Gudoomiyihii Maxkamada Al-Furqaan C/qaadir Bare oo aan la aqoon halka uu jaan & cirib dhigay.

 

Dadka deegaanka ayaa soo dhaweeyay Habdhaqanka ciidamada Col Cabdi Xasan Cawaale iyada oo dib loofuray goobihii ganacsi ee deegaanka Galinsoor,Bandiiradleey & Sadax higlay.

 

Xasan Yare

GalMudug State Somaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Cadaado: Degmada Cadaado oo dhowaan maamul loo samaynayo, iyo xaaladda degmada cadaado oo sidii caadiga ahayd ku soo noqotay.

 

Talaado, December 26, 2006

 

 

Cadaado (AllPuntland)- Degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa maanta waxa ka dhacay shir ballaaran oo ay isugu yimaadeen wax garadka magaalada iyo mas`uuliyin ka socota xukuumadda federaalka iyo maamul goboleedka Puntland.

 

C/risaaq Sh, Cismaan (Cali Baadiye) oo ah agaasimaha nabad sugidda ee maamulka Puntland wakiilna ka ahaa wafdi ka socda Puntland ayaa waxa uu kulan dheer la qaatay odoyaasha beesha reer xaaji Saleebaan, isaga oo kala hadalay arrimo kala duwan.

 

Mudane Cali Baadiye ayaa waxa uu ugu baaqay odoyaasha deegaanka in ay samaystaan maamul wada hawsha degamda, kaasoo hoos yimaada xukuumadda federaalka Soomaaliya.

 

Salaadiinta iyo wax garadka magaalada ayaa waxa ay sheegen in ay diyaar u yihin in ay samaystaan maamul ayna u baahan yihin in ay gacan ka helaan xukuumadda Puntland.

 

Kulankaasi ayaa waxaa sidoo kale looga wada hadlay sidii loo wada adknayn lahaa amaanka magaalada Cadaado, oo dhowaan laga saaray ciidamada maxkamadaha magaalada Muqdisho.

 

Dhanka kale xaaladda magaalada Cadaado ayaa waxa ay ahayd mid ku soo noqotay sidii caadiga ahayd.

 

Socdaal aan ku tagay degmada Cadaado ayaa waxa iiga muuqatay in degmada aysan wax saamayn ah ku yeelay dagaaladii dhowaanahaan dhex marayay ciidamada Puntland iyo kuwa K/Mudug iyo malayshiyooyinka maxkamadaha magaalada Muqdsiho.

 

Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo aan la sheekaaystay ayaa waxa ay ii sheegeen in intii ay ku sugnaayeen magaalada malayshiyooyinka maxkamadaha ay la kulmen cadaadis iyo cabsi galin wayn.

 

Dadka ayaa waxa ay u muuqdeen in ay ku faraxsanayeen imaatinka ciidamada Puntland iyo ciidamada federaalka ee degmadaasi.

 

Waxa ay indhahaygu qabanayeen dad badan oo magaalada dib ugu soo noqonaya, kuwaasoo la ii sheegay in ay magaalada ka baxeen marki ay maxkamaduhu qabsadeen.

 

Dhalinyaro fara badan oo magaalada ku sugnayd ayaa waxa ay ii sheegeen in markii ay maxkamaduhu magaalada qabsadeen ay u carareen baadiyaha, iyaga oo ka cabsi qaba in maxkamaduhu ay si xog ah ciidamada ugu daraan.

 

Isku soo wada duuboo odoyaasha iyo wax garadka degmada ayaa waxa ay haatan doonayaan in ay magaalada u sameeyeen maamul si toos ah u hoos imaanaya maamulka federaalka Soomaaliya.

 

Mahad Jama Koronto

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dhusamareb oo lala waregay

26 Dec 26, 2006, 08:03

 

Ciidamo taabacsan dowladda Federalka KMG ah ee Somalia iyo kuwo Ethiopia ah ayaa la wareegay gacan ku heynta degmada Diinsooor ee gobolka Galgaduud, halkaasi oo aan wax dagaal ah aanu ka dhicin kadib markii xalay Maliishiyada Maxkamaddaha Islaamiga isaga soo baxeen.

 

Warku wuxuu intaa ku darayaa in ciidamada Maxkamaddaha Islaamiga ee halkaasi ku sugnaa ay u soo dhaqaaqeen dhinaca degmada Ceel Buur ee isla gobolka Galgaduud, halkaasoo ay uga soo gudbi doonaan dhinaca magaalada Muqdisho.

 

Waa magaaladii sadaxaad ee ciidamada Maxkamaddaha Islaamiga lagala wareego tan iyo markii ay bilowdeen dagaaladii u dhaxeeyay ciidamada Maxkamaddaha iyo kuwa Ethiopia oo ka barbar dagaalamaya kooxo Soomaali.

 

Cali Muxayadiin Cali,GO

Share this post


Link to post
Share on other sites

Buurhakaba, Diinsoor, Balidoogle iyo Dhuusamareeb oo ay saaka la wareegeen ciidamada Dawlada KMG ah

 

Posted to the MOL December 26, 2006, 7:17 am

 

 

Wararkii ugu dambeeyay ee ka soo baxaya dagaalka u dhaxeeya ciidamada dawlada KMG ah iyo maleeshiyada Maxkamadaha ayaa sheegaya in ciidanka dawladda federaalka Soomaaliya ay maanta la wareegeen magaalda Dhuusa mareeb iyadoo aysan wax dagaal ah ka dhicin ka dib markii maleeshiyadii maxkamaduhu kala firxadeen.

 

 

Wararka ayaa intaas ku daraya in odayaasha gobolka Galgaduud ay joojiyeen in wax dagaal ah oo dhiig dambe oo Somali ah ku daato deegaanada gobolada dhexe iyadoo ciidanka dawladu si nabad galyo ah ku soo galeen magaalada.

 

Dhinaca Gobolka Baay ayaa saaka si lama filaan ah waxaa hal mar ka baxay maleeshiyadii maxkamadaha. Magaalooyinka Buurhakaba, Doonsoor iyo garoonka Balidoogle ayaa hadda gacanta dawlada ku jira.

 

Magaalada Buulebarde oo Jawhar oo aan sidaas uga fogyn ayay sidoo kale baneeyeen maleeshiyada Maxkamaduhu.

 

Dawlada KMG ah ayaa u balan qaaday maleeshiyada maxkamadaha haddii ay isdhiibaan in tababar ciidan la siin doono ayna ka mid noqon doonaan xooga dalka Somaliya.

 

Guusha degdegta ah ee ay gaartay dawlada KMG ah ayaa illaahay ka sakow waxaa qayb ka ah ciidamo ka socdo Puntland, gobolka shabeelada Dhaxe, Hiiraan iyo waliba qaar ka mida ciidamada Itoobiya.

 

Maxkamadaha ayaa muddo sannad ku dhow diiday inay heshiis la galaan dowlada oo ay ka mid noqdaan iyagoo isku halaynayay inay cudud ciidan kaga taqalusaan dawlada. Maxkamadaha Muqdisho ayaa u muuqda in illaahay garabkoodii ka baxay sida dhaqsaha leh ee ciidankii ay ku faani jireen u wiiqmay.

 

 

Mudugoline.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

This guy massacred 50 of his kins in retaliation.

So it wouldnt be celebration.

He just got into the guinnes book of World record as the most ruthless warlord in Somalia.

Duke are your kins going to forgive him for the massacre he did to your folks in early 90's.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^That was the past, nmany people commited crimes on each and every clan. Thus is make up a story about Omar Jess massacring people in Kismayu today woudl it be true?

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^

Umar jes Lol.

Morgan killed more guys than him.

Anyway you are also implicated in the murders to coz i damn know that you contributed financialy to the slaughter of my kins.

So by default your a little warlord.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this