Sign in to follow this  
Deeq A.

Musharax Cabdiraxmaan Cirro oo fariin u diray shicibka reer Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Musharaxa xisbiga Waddani Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa fariin uu warbaahinta u mariyay dhamaan shicibka reer Somaliland ee degan dhamaan gobolada Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu xasuusiyay in wakhtigii doorashadu uu fooda inagu soo hayo waxana uu dhamaan shicibka Somaliland oo dhan xasuusiyay in uu musharax u yahay oo aanu cid gaar ah u ahayn oo uu rabo dhamaan reer Somaliland oo dhan codkooda.

Waxana uu qoraalkiisa oo koobnaa isla markaasina xanbaarsanaa xikmad badàn uu u qornaa sidan hoos ku xusan.

Wakhti doorasho ayaynu galaynnaa, anniguna waxa aan ahay musharrax Madaxwayne oo Somaliland oo dhan u sharraxan, qolo gaar ah iyo deegaan gaar ah toonna uma sharraxni.

Shacbigu awoodda ugu weyn ee uu haystaa waa codkiisa oo uu qof muwaadin ahna Madaxweyne kaga dhigi karo, midna kaga qaadi karo, waxa aan idin kula talinayaa inaad aad uga fiirsataan maanta ayaad fursaddaas haysataane.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this