Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamadda gobolka oo xukuno adag ku ridday saraakiil lagu helay musuq-maasuq

Recommended Posts

Deeq A.   
Maxkamadda-Gobolka-Banaadir.jpeg?fit=204

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta xukuno kala duwan ku ridday saraakiil ka tirsan hay’adda socdaalka, wasaaradda maaliyadda, bangiga dhexe iyo xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, kuwaas oo lagu helay kiisas la xiriira musuq-maasuq.

Maxakamadda oo ku dhowaaqday xukunka 11 qof, ayaa waxaa ku jiray agaasimeyaqshii hore ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha iyo Agaasimihii hore ee Canshuraha Bariga oo iyaga lagu waayay wax dambi ah.

Sidoo kale waxaa xukuno xabsi ah oo u dhexeeyo 2 sano iyo illaa 4 sano lagu ridday 5 kamid ah saraakiishii maxkamadda la horgeeyay, halka 4 kalena lagu waayay wax dambi ah, sida uu shaaciyay guddoomiyaha maxkamadda gobolka Saalax Dabaan.

Ragga la xukumay ayaa kala ah:-

1-Maxamed Ibraahim Axmed oo ah sarkaal ka tirsan hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha ayaa isaga oo maqane ah lagu xukumay 4 sano oo xarig ah.

2-Cabdiraxmaan Maxamed Cali Caadle oo isna ah sarkaal ka tirsan hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha ayaa isaga oo maqane ah lagu xukumay 4 sano oo xarig ah iyo inuuna qaban karin xafiis dowladeed si joogto ah.

3-Abuukar Xasan Aadan oo ah sarkaal ka tirsan hay’adda socdaalka a iyo jinsiyadaha ayaa isaga oo maqane ah lagu xukumay 4 sano oo xarig ah.

4-Maxamed Xuseen Nageeye oo ah sarkaal ka tirsan hay’adda socdaalkaa iyo jinsiyadaha ayaa isaga oo maqane ah lagu xukumay 2 sano oo xarig ah.

5-Cabdullaahi Daahir Wehliye oo sarkaal u shaqeynayay bankiga dhexe qaybta garoonka Aadan Cadde ayaa isaga oo maqane ah lagu xukumay 3 sano oo xarig ah iyo inuuna qaban karin xafiis dowladeed si joogto ah.

6-Cismaan Xasan Cosoble oo sarkaal ka tirsan hay’adda socdaalka a iyo jinsiyadaha ayaa lagu waayay wax dambi ah, waxayna maxkamadda ka bari yeeshay eedaha loo jeediyay.

7-Cabdalle Maxamed Axmed oo ka tirsan xafiiska hantidhowraha guud ee qaranka ayaa lagu waayay wax dambi ah, waxayna maxkamadda ka bari yeeshay eedaha loo jeediyay.

8-Cabdikaafi Xasan Maxamed sarkaal ka tirsan hay’adda socdaalka a iyo jinsiyadaha ayaa lagu waayay wax dambi ah, waxayna ka bari yeeshay eedaha loo soo jeediyay.

9-Jacfar Maxamed Axmed oo ahaa sarkaal ka tirsan wasaaradda ayaa lagu waayay wax dambi ah, waxayna ka bari yeeshay eedaha loo soo jeediyay.

Guddoomiye Saalax Dabbaan ayaa ugu dambeyntii shaaca ka qaaday in ciddii aan ku qanacsaneyn go’aankan uu u furan yahay racfaan muddo ku siman 30 cisho.

Ugu dambeyn guddoomiye Saalax Dabbaan ayaa ugu dambeyntii shaaca ka qaaday in ciddii aan ku qanacsaneyn go’aankan uu u furan yahay racfaan muddo ku siman 30 cisho.

The post Maxkamadda gobolka oo xukuno adag ku ridday saraakiil lagu helay musuq-maasuq appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this