General Duke Posted November 3, 2009 Wafti uu hogaaminayo wasiiru dawlaha Arrimaha Gudaha ee Soomaliya oo galabta ka soo degay Galkacyo. Galkacyo Nov 03 - Waxaa galabta gegida diyaaraha ee magaalada Galkacyo ka soo degay wafti ka socday dawladda federaalka ah ee Soomaaliya oo uu hogaaminayo wasiiru dawlaha wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya C/rashiid Maxamed Xiddig. Waftigaan oo ka koobnaa dhawr xubnood ayaa waxaa ka mid ahaa xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya iyo taliyaha ciidanka bilesyka Gen. Cabdi Xasan Cawaale ‘Qaybdiid’ waxaana garoonka si diirran ugu soo dhaweeyey mas’uuliyiinta kala duwan ee maamulka gobolka Mudug, shacab iyo cutubyo ciidan ah oo xilli hore hlkaasi lagu sii diyaarshay. Taliyaha ciidanka bileyska Soomaaliya Gen. Cabdi Xasan Cawaale ‘Qybdiid’, ayaa saaxafadda warbixin kooban ka siiyey ujeedada socdaalkooda, wuxuuna sheegay in ay salka ku hayso kulamo ay doonayaan in ay la yeeshaan mas’uuliyiinta sar sare ee maamulka Puntland iyo waliba kuuliyadda ciidanka bileyska ee degmada Carmo oo ay booqan doonaan halkaasi oo taliyihu ciidan tababar ugu soo xiri doono. Md. Qabdiid, waxaa uu si ballaan ugu mahadceliyey mas’uuliyiintii garoonka ku soo dhaweysay iyo dhammaan shacabka gobolka Mudug oo uu sheegay in uu uga mahadcelinayo wakhtigii dheeraa ee ay garoonka ku sugayeen. Taliyuhu waxaa uu salaan sharaf ka qaatay cutubyo ciidan ah oo garoonka ku suganaa qaybna ka ahaa soo dhaweynta waftigii uu la socday, waxaana hadal kooban siiyey taliyaha, Cumar Saalax Canjeex oo ah taliyaha kuxigeen 3-ad ee ciidana bilesyka Puntland oo u sheegay in ay ciidankaani yihiin ciidankii gobolka ee ammaanka iyo illalinta nabadgalyada u xilsaarnaa. Waxaana intaasi kadib waftiga loo sii galbiyey Hotelka Taar, halkaasi oo ay isla markiiba kulan la galeen mas’uuliyiinta gobolka Mudug, kulankaasi oo la tilmaamay in uu ahaa mid looga hadlayo xaaladda gobolka Mudug gaar ahaan midda amni ee magaalada Galkacyo. Waftigaan ayaa lagu wadaa muddo todobaaddo ah in ay joogaan Puntland, iyagoo dhammaanba tagi doona gobollada kala duwan ee maamulka Puntland sida aan ka soo xiganay qaar ka mid ah xubnaha waftiga. Ma ahan markii ugu horraysay oo wafti ka socdaa dawladda FKMG ah ee Soomaaliya ay yimaadaan deegaannada Puntland, wuxuuna safarkoodaani qayb ka yahay xiriirka iyo is kaashiga ka dhaxeeya Puntland iyo dawladda Soomaaliya. C/fitaax Cumar Geeddi Idaacadda Daljir. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted November 3, 2009 Gaalkacyo: Cabdi Qeydiid oo maanta ku sii jeeda Puntland. 3. november 2009 Gaalkacyo(AllPuntland)- Taliyaha ciidamada Booliska ee Soomaaliya Cabdi Xasan Cawaale (Qeydiid) ayaa ku sii jeeda Puntland, gaar ahaana gobalka uu ka soo jeedo ee Mudug, isagoo ay la socdaan qaar ka mid ah Saraakiisha Booliska ee dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, waxaana ujeedadiisu tahay sidii uu booqasho indho-indheyn ah ugu sameyn lahaa xaaladaha magaalada Gaalkacyo & tababar uu Akdemiyada magaalada Carmo ugu xiri doono Askar ka tirsan dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, sida ay xaqiijinayaan qaar ka mid ah Saraakiisha dawladda Puntland. Taliyaha ciidamada Booliska ee Soomaaliya Cabdi Xasan Cawaale (Qeydiid) ayaa maalmaha uu joogo magaalada Gaalkacyo, wuxuu wada xaajoodyo la qaadan doonaa Odayasha dhaqanka ee dhinacyada iyo Maamulada Puntland & Galmudug oo uga sheekeyn doono xaaladaha qalafsan ee ka taagan Soomaaliya, waxaana lafilayaa in uu si gaar ah warbixin uga siiya dhinacyada halka ay wax umarayaan dawladda Faderaalka ee Soomaaliya. Mr, Qeydiid ayaa ka mid ahaa Hogaamiye kooxedyadii ay Maxkamadihii Muqdisho ka saareen magaaladas, isla markaasna gobalka Mudug ka helay taageeradii ku galay magaalada Muqdisho, isagoo markaas gacan saar wanaagsan la lahaa dawladdii Puntland ee uu hogaaminayay Madaxweyne Cadde Muuse Xirsi, oo lafilayo in ay isku arkaan hada Cabdi-Qeydiid magaalada Garowe. Taliyaha ciidamada Booliska ee Soomaaliya dhigiisa Puntland G/sare Axmed Cali Xaashi ayaa sidoo kale ay qaadan doonaan wada xaajoodyo ku aadan xiriirka labada Boolis iyo Iskaashiga dhinaca amaanka ah, ka dibna waxa ay si wadar ah uxiri doonaan tababarka dugsiga Booliska ee gobalka Bari kuyaala ee Carmo, halkaas oo ay hada tababar ugu dhamaadeen ciidamo ka tirsan dawladda Faderaalka ee Soomaaliya oo ah dhinaca Booliska. Puntland waxaa ku taala mid ka mid ah Xeryaha ugu weyn ee Tababarada ciidamada, waxa aysana dawladda Soomaaliya heysan xero ciidan oo ay tababaro ku siiso ciidamadeeda kala duwan, ayadoo laga heysto xerooyin badan oo kuyaala gobalada Koonfureed ee dalka Soomaaliya, oo ay heystaan xoogaga diidan dawladda faderaalka ee Soomaaliya. Soo dhaweynta Taliyaha ciidamada Booliska ee Soomaaliya Cabdi Xasan Cawaale (Qeydiid) ayaa laga dareemayaa magaalada Gaalkacyo, waxaana ciidan loogu talagalay sugitaanka amaankiisa lageeyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo oo ay ka soo caga dhigan doonto diyaarada sida Taliyaha, waxaana sidoo kale garoonka tagay ciidanka Galmudug oo dabcan wax ka sugi doona amaanka Taliyaha ciidamada Booliska. F. C. Maxamed AllPuntland Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted November 3, 2009 Taliyaha Ciidanka Police-ka Dowlada Soomaaliya oo soogaaray Puntland Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid Taliyaha Ciidamada Police-ka Dowlada KMG ah ee Soomaaliya Col Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa goor Duhurkii Maanta Waxaa uu ka soo Degay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Gaalkacyo Xarunta Gobolka Mudug. Safarka Taliyaha ciidanka Police-ka Soomaaliya ayaa waxaa la sheegay in uu ku wajahan yahay Sidii uu u soo xiri lahaa Tababar Inmudo ah uga soconayay ciidamo ka tirsan Police-ka Dowlada Soomaaliya oo ku sugan Degmada Carmo ee Gobolka Pari Puntland Soomaaliya. Amaanka Magaalada Gaalkacyo gaar ahaan Airport-ka iyo Wadooyinka waaweyn ee magaalada ayaa si aad ah loo adkeeyay intii uu soo degayay Kornelku, waxaana Safarkiisan uu ku soo aadayaa xili Magaalada Gaalkacyo ay todobaadyadii aynu soo dhaafnay ka dhacayeen falal amaanka Wax u dhimaya. Sidoo kale warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in Taliye Qeybdiid imaatinkiisa Gaalkacyo uu lug ku leeyahay xalinta qilaafaadka ayaamihii ugu dambeeyay ka soconayay Gaalkacyo. Ugu dambeyntii lama Oga inta uu sii joogayo Gaalkacyo taliyuhu, iyo xiliga uu usoo talaabsan doono deegaanada kala duwan ee Maamulka puntland maadaama halka Tababarka uu usocdo in u sooxiro ay tahay Bariga Puntland. Liibaan Qaran SBC INternational Gaalkacyo Quote Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted November 3, 2009 Good development. shows the relationship between the TFG and PL is growing. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted November 3, 2009 ^^^A/Qaybdeed has been a close ally of Puntland for the past few years, not sure about anyother development. Quote Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted November 3, 2009 ^^looooool Qaybdiid = TFG = Sharif Accept the reality awoowe. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted November 3, 2009 ^^^If that makes you happy adeer. The reality is different, go to Jowhar.com. Quote Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted November 3, 2009 ^^You need to reconcile with the fact that the state of Puntland is not hostile to Sharif's leadership Jawhor.com and what it reports is not for the consumption of men like me duke. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted November 3, 2009 ^^^The state of Puntland is not hostile to anyone least of all Sharif who presents it no problems. As for Jowhar, it is for your consumptions lad, it is the mouth piece of your master Sharif. Quote Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted November 3, 2009 ^^ The state of PL is represented in the highest echelons of Sharif's leadership. Men like Sharmarke, Jurille, and Jangali represent the state so there is no need to be angry or be hostile to the Sharif's effort. PL is part of the federal arrangement. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted November 3, 2009 ^^^lool. I have already told you Puntland is not hostile to anyone, least of all a man who controls not a single town in Somalia. We have issues with the secessionists, Al Shabaab and others but not the Sharif. Quote Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted November 3, 2009 So you are cool with Sharif now. Good. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted November 3, 2009 ^^^Was never uncool with him, though I dont think any better of the man, a waste of time as you can see. Quote Share this post Link to post Share on other sites