Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha wasiirada soomaaliya oo ansixiyey xeerar iyo heshiisyo caalami ah.

Recommended Posts

Deeq A.   

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa ansixiyey, hindise sharciyeed, siyaasad, xeer iyo heshiisyo iskaashi oo kala ah;

  1. Hindise Sharciyeedka Tacliinta Sare ee Qaranka,
  2. Siyaasadda Dowladda ee Bareyaasha Soomaaliyeed.
  3. Xeer-nidaamiyaha qiimeynta saameynta deegaanka
  4. Heshiiska Iskaashiga Difaaca ee u dhexeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya
  5. Heshiiska Is-dhaafsiga dhiirigelinta iyo dhowrista Maalgashiga ee Soomaaliya iyo Isutagga Imaaraadka Carabta (UAE).

Shirka oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa looga dhageystay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta warbixin ku saabsan Duufaannada la saadaalinayo in ay ka dhici karaan qeybo kamid ah gobollada dalka, sidii loogu diyaar garoobi lahaa, dadka looga wacyigelin lahaa.

PUNTLAND POST.

The post Golaha wasiirada soomaaliya oo ansixiyey xeerar iyo heshiisyo caalami ah. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this