Deeq A. Posted May 22, 2024 Dalalka Ireland iyo Spain ayaa la filayaa inay ku dhawaaqaan qorshayaal si rasmi ah loogu aqoonsanayo Falastiin dawlad madax bannaan. Ra’iisul wasaaraha Ireland Simon Harris ayaa lagu wadaa inuu qabto shir jaraa’id Arbacada maanta, Ireland ayaa qayb ka ah taageerada dawladda ee ku aaddan in xal laba dawladood ah laga gaaro colaadda u dhaxaysa Israa’iil iyo Falastiiniyiinta. Dhanka kale isna Raiisel wasaaraha Spain Pedro Sanchez ayaa la filayaa inuu barlamanaka dalkiisa u jeediyo khudbad uu kaga hadlayo arrintaan. Israa’iil ayaa tillaabadaan ku timaantay mid sii hurinaysa xagjirnimada iyo xasillooni-darrada ka dhex taagan Israa’iil iyo Falstiiniyiinta. Source Share this post Link to post Share on other sites