Sign in to follow this  
General Duke

President Yusuf gives international community the middle finger

Recommended Posts

Madaxweyne Yuusuf oo ku gacanseyray codsiyo uga yimid Caalamka

Friday, December 26th, 2008 at 8:30 am

Horseed Media

 

News Agencies

 

Madaxweynaha dowladda kmg ah ee federaalka C/laahi Yuusuf Axmed ayaa ku gacanseyray codsiyo uga yimid Beesha Caalamka inaanu iscasilin.

 

Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Midowga Afrika, IGAD iyo Maraykanka ayaa ka codsaday madaxweyne Yuusuf inuu ka baaqsado go’aanka uu ku gaaray inuu xilka iska casilo.

 

Ilo ku dhow dhow madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed ayaa waxay soo wariyeen in madaxweynaha uu ka jawaabayay telefoono dibadda ah ay u soo diryeen diblomaasiyiinta beesha caalamka oo ay kaga codsanayeen inuusan is casilin.

Madaxweyne C/laahi Yuusuf ayaa ku eedeeyay inay gidaarka ku qaraaceen dastuurka federaaliga iyagoo taageeray dowlad uu xilkeedii dhammaaday, ayna diideen inay la shaqeeyaan ra’iisal wasaarihii uu soo magacaabay.

 

Madaxwyene Yuusuf ayaa sheegay inuusan garaneyn waxa uu madaxweyne u sii ahaado mar haddii la dhinac maray dastuurkii dalka.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa la xaqiijiyay inuu diyaariyay warqadiisii Istiqaalada oo uu u gudbin doono baarlamaanka federaalka kmg ah.

 

Madaxweynaha ayaa hadal ka jeedin doona sabtida soo socota fadhi uu isugu iman doono baarlamaanka.

Mas’uuliyiin Maraykan ah ayaa wararku waxay sheegayaan inay sidoo kale la soo xiriireen madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf Axmed iyagoo ka dalbanaya inuusan iscasilin, balse uu sii hayo kursiga.

 

 

 

 

 

(Wakaaladaha Wararka)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nayroobi: IGAD, Midowga Africa, Qaramada Midowbay, Midowga Yurub iyo dawladda Mareykanka oo walaac ka muujiyey wararka sheegaya in uu Iscasilayo Madaxweyne Yuusuf.

 

25. december 2008

 

Baydhabo(AllPuntland)- Dalalka ood wadaagta la'ah dalka Soomaaliya iyo Beesha Caalamka ayaa wal-wal ka qaba hadii uu iscasilo Madaxweynaha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya Md. C/laahi Yuusuf Axmed, waxyaabaha dhici kara.

 

Dawladaha Kenya, Ugandha, Burundi iyo Itoobiya iyo waliba Ururada, IGAD, Midowga Yurub, Midowga Africa, Qaramada Midowbay iyo Kooxda Xiriirka Caalamiga ah ee Soomaaliya ee ay dhistay dawladda Mareykanka iyo Xukuumada Bush ayaa lasoo xiriiray Madaxweynaha dawladda Soomaaliya, sida ay sheegayaan warar ku dhow dhow Madaxweynaha Soomaaliya, waxa ayna ka codsadeen in uu ka laabto, hadii ay jirto in uu iska casilayo xilka madaxweyne-nimo ee dalka Soomaaliya.

 

Mudane ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo ku dhow Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa sheegay in ay dawladda Mareykanku, ka codsatay Madaxweyne Yuusuf in uu arintaasi uusan ku dhaqaaqin,hadii ay jirto laakiin Mudanahan ayaa sheegay in uu taasi ka biyo diiday Madaxweynaha Soomaaliya.

 

Xildhibaankan oo ay la xiriirtay AllPuntland ayaa ka gaabsaday in Magaciisa lasheego, wuxuuna sheegay in ay wax jira tahay in uu doonayo Madaxweyne Yuusuf in uu iska casilo xilka madaxweyne-nimo ee Soomaaliya, markii ay Beesha Caalamku ka soo horjeesatay Axdiga dawladda Soomaaliya ayna aqoonsatay dawlad aan sharci aheyn.

 

Hadii uu xilka Madaxweyne-nimo ka dago Madaxweyne Yuusuf, ma jirayso Xukuumada uu hogaamiyo Nuur Xasan Xuseen,maadaama uu Raysalwasaaraha magacaabay Madaxweynaha Soomaaliya,hadii uu iscasilana uu raacayo.

 

Xildhibaanadii dhawaan ku kulmayay Xarunta ADC-da ayaa xalay oo dhan kulamo ku lahaa Magaalada Baydhabo, kuwasoo oo ay kaga hadlayaan xaaladaha soo wajahay, waxaana ay sheegeen in ay ka war sugayaan hadalka Madaxweynaha Soomaaliya ka hor cadeeyo Baarlamaanka Soomaaliya maalinada Sabtida ah.

 

Madaxweyne Yuusuf ayaa dhawaan ay sheegeen dawladdaha iyo Ururada qaarkood, siiba IGAD Iyo Midowga Africa in uu dhibaato ku yahay dibu heshiisiinta Soomaaliya, balse dad badan ayaa xasuusta wada hadaladii Magaalada Muqdisho loogu qabtay 3,200 Ergay oo laga kala keenay gobalada dalka Soomaaliya, ayna ku heshiiyeen beelaha Soomaaliyeed oo ay udhaxeeyeen dagaalo qaraar lagana heshiiyey.

 

Qodobadii ka soo baxay shirkaasi ayaa ka mid ahaa in Raysalwasaaraha iyo Wasiirada dawladda Soomaaliya banaanka laga soo dooran karo, taasoo ay ansixiyeen baarlamaanka Soomaaliya.

 

Waana mida lugu magacaabay Nuur Xasan Xuseen oo aan ka mid aheyn Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya, maadaama dastuurka dawladda Soomaaliya qabey ka hor waqtigaasi, in qof aan aheyn Xildhibaan uusan ka mid noqon karin Golaha Wasiirada ee dawladda Soomaaliya.

 

Soomaali badan oo taageersanaa dawladda Soomaaliya ayaa rajadoodii ka laabtay DFKMGS, markii ay soo baxday dhawaan in uu Madaxweynaha Soomaaliya Mudane C/laahi Yuusuf Axmed qorsheynayo in uu iska casilo Madaxweyne-nimada Soomaaliya, waxa ayna sheegeen in taasi ay cadeyneyso in ay burburayso dawladda Soomaaliya.

 

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa khudbad uu jeediyey markii ay ka soo laabteen isaga iyo Nuur Cadde Magaalada Addis Ababa, 25-Oug-2008, kana jeediyey Xarunt ADC-da ee Magaalada Baydhabo, wuxuuna uga digey beesha Caalamka iyo Baarlamaanka Soomaaliya-aba in ay dumiyaan dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, markaas oo ay socdeen Ifafaalo muujinaya xaaladaha maanta taagan.

 

Afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya ayaa lasoo wariyey in uu wel-wel ka qabo waxyaabaha dhici kara hadii uu icasilo Madaxweyne Yuusuf, wuxuuna cabsi ka qabaa in ay burburto dawladda Soomaaliya, maadaama ay soobaxayaan warar sheegaya in uu ka tagayo Hogaamiyihii mudada dheer isku hayay dawladda Soomaaliya.

 

Saxaafada Soomaalida iyo Mida Caalamka ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Md. C/laahi Yuusuf Axmed ay cadaadis saareen dawlado iyo Ururo ay ka mid yihiin ICG, IGAD, AU, Mareykanka iyo EU, balse taasi waxaa meesha ka saaray afhayeenada Madaxweynaha Soomaaliya oo been ku sheegay warkaasi, waxa ayna ka codsadeen Saxaafada in ay joojiyaan duminta dalka Soomaaliya balse loo baahan yahay in la dhiso Soomaaliya.

 

IGAD, Hay'ada Xasaradaha Aduunka, Midowga Africa, Qaramada Midowbay, Midowga Yurub iyo dawladda Mareykanka, ayaa wel-welka ay ka qabaan in uu iscasilo Madaxweyne Yuusuf ku noqotey mid culus, markii ay soo shaac baxday Iscasilaadii Raysalwasaare Maxamed Maxamuud Guuleed, oo uu dhawaan magacaabay Madaxweynaha Soomaaliya, markii ay si sharci ah udhacday Xukuumadii Nuur Xasan Xuseen oo waqtigeedu ku ekaa 22-Nov-2008.

 

Madaxweyne Yuusuf ayaa Cod bixin caam ah kaga guuleystay sannadkii 2004, rag Siyaasiin ah oo la tartamayay, markii lasoo unkay dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, waxaana Madaxweynuhu uu codad badan kaga qaaday C/laahi Yuusuf Cadow xilka Madaxweyne-nimo, oo ay saaxiibo ahaayeen ayna ku wada tartamayeen Xilka Madaxweyne-nimo, ayadoo sidoo kale ay la tartamayeen Rag kale oo si aad ah looga yaqaano Siyaasada dalka Soomaaliya, balse ku guuldareystay in ay ku soo baxaan Madaxweyne-nimada Soomaaliya.

 

Md. Yuusuf ayaa dawladiisu ay noqotey dawladii ugu horeysay ee ciidamo ay leedahay ku maamushay Gobalada Jubooyinka, Banadaair, Shabeelada Dhexe, Shabeelada Hoose, Mudug, Banaadir, Baay, Bakool iyo Hiiraan wixii ka horeeyey 22-kii November 2007-ba, markaasoo xilka Raysalwasaare-nimo loo dhiibay Nuur Xasan Xuseen oo lasheegay in uu sicad u amray in ay ciidamada dawladda Soomaaliya ka baxaan Xeryihii Milateri ee ay ku lahaayeen gobaladaasi.

 

Madaxweynaha ayaa noqday Madaxweynihii koowaad ee Vila Soomaaliya ee Muqdisho xarun ka dhigta, wixii ka dambeeyey markii ay Soomaaliya ka dhaceen dagaaladii lugu diray Xukuumadii Maxamed Siyaad Bare (Allaha uraxmadee), waxa ayna dad badan wada dhowrayaan waxyaabaha dhacaya Maalinimada Sabtida ah hadii Eebe Yiraahdo.

 

 

Kala soco Shabakada Wararka Soomaaliyeed ee www.AllPuntlad.com, wararkii ugu xiisaha badnaa uguna dambeeyey ee gudaha Soomaaliya, oo ku Saleysan Waaya-aragnimo mug dheer, xaqiiqo, cadaalad iyo Wariyaal ku xeerdheer xaqiijinta wararka, la soco daqiiqad kasta iyo waqti walba AllPuntland.

 

F. C. Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

If he does resign then it would be a great political move. Then there will be no obsticle to peace as the "international community" stated correct and milk and honey will flow from every direction :D ...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xildhibaan shaki galiyay jirintaanka dowlada kadib is casilaada Madaxweyne Yuusuf.

 

Baydhabo,(WNT):-Xildhibaan Saalax Nuux Ismaaciil(saalax bad baado)oo ka mid ah Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka dayriyayMustaqbalka dowlada federaalka Soomaaliya hadii uu xilka iska casilo Madaxweyne Yuusuf.

 

Xildhibaan Saalax ayaa sheegay In bur bur ku imaan doono hadii ay dhab noqoto iscasilaada Madaxweyne Yuusuf isla markaana jiri doonin Xukuumad iyo baarlamaan intaba sida uu hadalka u dhigay.

 

“waxana qabaa in hadii Madaxweynuhu xilka iska casilo bur buri doonto dhamaan dowlada federaalka Soomaaliya oo aanu jiri doonin xukuumad iyo baarlamaan”ayuu yiri xildhibaan saalax bad baado.

 

Xildhibaanka oo ka mid ah Xildhibaanada sida weyn u taabacsan madaxweyne Yuusuf ayaa xaqiijiyay in ay jiraan saan saan uu madaxweyne Yuusuf xilka isaga casilo doono.

 

Waxaana uu carabka ku adkeeyay in Maalinta sabtida Yuusuf ku wargaliyay In baarlamaanka ka hor aqrin doono warqadiisa is casilaada sida uu sheegay xildhibaanka.

 

Tan iyo markii ay soo ifbaxeen khilaafaadkii ka dhex jiray Madaxweyne Yuusuf iyo Ra’isul wasaare Nuur Cadde ayaa waxaa saameyn xoogani khilaafaadkaasi ay ku yeesheen golayaasha dowlada qeybahooda kala duwan gaar ahaan baarlamaanka oo la kala saftay labada Mas’uul.

 

Xafiiska Wararka Waayaha.net,Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Lol@ made Duke's day. Indeed the courage and vision of the old legend comes out clearly. What has Sharif Ahmed achieved apart from Hotel Shamo & Muna as well as attempts to sell the sea?

:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

the H*#!e clan prepared and unified all their forces against us and what is happening is like the 1991 and Mogadishu will belong to the clan which is the strongest.

Legend xaal qaado!

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Not sure why you are laughing at a made up comment. However Yusuf has proven to be a far more cappable leader and comander than any before and after.

 

Today the Mogadishu civilians are in a worse state than the time when he led the nation.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this