Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaramada Midoobay oo Hakisay Qeybinta Cuntooyinka Gargaarka ah ee Marinka Rafax

Recommended Posts

Deeq A.   

Qaramada Midoobay ayaa ku dhowaaqday iney hakisay qaybinta cuntada gargaarka ah ee magaalada Rafax ee ku taalla dhinaca koonfureed ee Qaza, iyada oo ay ugu wacan tahay, saadka oo gababaabsi ah iyo xaaladdaha amni darrada oo sare u kacay, xilli diyarada Israel ay sii wadaan weerarrada socda.

Stephane Dujarric oo ah afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay ayaa Salaasadii sheegay in guud ahaan xarumaha cunto qaybinta ee hay’adaha Qaramada Midoobay ee WFP iyo UNRWA, inay yihiin goobo aan la gaadhi karin, iyada oo ay ugu wacan tahay hawlgallada milateri ee ka socda aaga Rafax.

Xaaladda ayaa ku soo aadaysa xilli dad ka badan hal milyan oo qof ay  waajahaya xaalad macaluul oo aad u sarraysa, kuwaas oo u baahan gargaar bii’aadannimo, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay kadib hakinta lagu sameeyay dadaallada arrimaha gargarka loo baahnaa ee ka socday marinka Rafax.

 Marina xuduudda ee ku yaalla magaalada Rafax ayaa mar ahaa goobaha ugu muhiimsan ee  marin u ahaa gargaarka bini’aadanimo ee laga geliyo marinka, hase ahaatee waxaa la xidhay, tan iyo wixii ka dambeeyey bishan May 6-deedii, waxaana ka jirta arrin lagu tilmaamau musiiibo banii’aadannimo.

Afhayeen u hadlay WFP ayaa sheegay in hawl-gallada bini’aadanimo ee Qaza inay qarka u saaran yihiin inay burburaan, isaga oo ka digay, in haddii aan dib loo soo celinin cuntadii iyo sahaydii kale, in macaluushu ay faafi doonto, haddii aan la helin xal deg deg ah oo lagu geynayo gargaar marinka Rafax.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this