Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Ciidamada Al-Shabaab oo loo magacaabay taliye cusub + Magaciisa

Recommended Posts

Deeq A.   
Shabaab-1-Shabab.jpeg?fit=960%2C579&ssl=

Muqdisho (Caasimada Online) – Nin cusub ayaa dhowaan loo magacaabay taliyaha guud ee ciidamada Al-Shabaab, kaas oo faahfaahin badan aan laga helin, balse la xaqiijiyey magacaabistiisa.

Taliyaha cusub ee ciidamada Al-Shabaab waxaa magaciisa lagu sheegay Guuleed Ilkacase, mana ahan nin wax badan oo faahfaahin ah laga hayo.

Ninkaan ayaa bedelaya taliyihii hore ee ciidamada Al-Shabaab, kaas oo lagu magacaabo Yaasir Jiis, isla markaana ah nin si weyn loo raadiyo xogtiisa.

Yaasir Jiis wuxuu ku jiraa liiska xubnaha ugu sareeya argagixisada oo dowladdu uu ugu weyn yahay Mareykanka ay aad u doon doonayaan.

La-taliyaha amniga qaranka Soomaaliya Xuseen Macalin Maxamuud ayaa sheegay in Al-Shabaab ay toddobaadkaan magacaabeen sarkaal cusub.

Xuseen oo ka gaabsaday in ninka loo magacaabay Taliyaha ciidamada  Al-Shabaab uu magaciisa sheego, isla markaana faahfaahin buuxda ka bixiyo ayaa xaqiijiyey in magacaabistaas ay dhacday toddobaadkaan.

Al-Shabaab ayaa la sheegay in markii ay ka yaraadeen weerarradii ciidamada dowladda Soomaaliya ay fursad u heleen inay dib u habeyn ku sameeyaan ciidankooda, ilaa ay toddobaadkaan bedeleen taliyihii ugu sareeyey.

Dhanka dowladda waxaa ka socda abaabul xoog leh, xeryaha militeri ee Muqdisho ayaa buuxsamay, waxaana maalmaha soo socda la qorsheynayaa inay gobollada dhexe dib uga bilowdaan howlgallada dalka looga xoreynayo Al-Shabaab.

The post Xog: Ciidamada Al-Shabaab oo loo magacaabay taliye cusub + Magaciisa appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this