Sign in to follow this  
Deeq A.

“Eesh Qiyaasak Ramaax ijiin tanwaynbaa saaran”. Aw-Xasan Sheekh Cismaan Nuur.

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhalinyaradda Facebook-gu garan maayaan badankoodu  Aw-Xan Sheekh Cismaan Nuur, wuxuu ahaa Wiilka Sheekhul  baladka Burco, wuxuuna ahaa Nin qisooyinkiisu gaadheen gayiga Soomaalidu degto oo dhan.

Haddaba qiso Maxamuud Cali Saleebaan (Raamaax) ku baxday ayaa jirtay, Aw-Xasan ayaa xanuunsaday bilawgii sidetamaadkii, wakhtigaa dawada waxaa keeni jiray dawladdii kacaanka: dawadii xanuunka Xaajiga dabiibka u ahayd oo Burco iyo Hargaysaba ka gonayd waxaa laga soo helaayay Muqdisho oo kaliya xumadina way haysay. Ramaaax oo xiligaas kamid ahaa dhalinyaradda uu aadka u jeclaa Aw-Xasan kana ag-dhawaa ayaa go’aan shakhsi ah qaatay. Goor fiid ah ayuu gaadhi ka kaxaystay Magaaladda Burco, inta u dhaxaysa Burco iyo Muqdisho meelna bireega kuma qaban, markiiba intuu dawadii soo dhuftay ayuu isa soo rogay.

Muddo qof safar intaas leeg galay aanu ku soo noqon karin ayuu dawaddii soo gaadhsiiyay Aw-Xasan. Markii dawadii Xajiga la siiyay ayuu Dadkii waydiiyay “Waar dawadayda yaa keenay waatii baladka ka go’naydee”. Markaasa la yidhi Ramaax ayaa Muqdisho ka soo qaaday oo isla markiiba ku keenay. Aw-Xasan Sheekh Cismaan Nuur, Nin xigmad badan ayuu ahaa isagoo ka yaabay firfircoonida Ramaax markaa dheeraa dhalintii faciisa ahayd iyo xawaaraha masaafada uu soo jaray ayaa wuxuu yidhi hadal tariikhda galay oo ahaa. “Eesh qiyaasak Ramaax ijiin tanwayn ayaa saaran”.

Hadda waa halkii odhaahdii  Aw-Xasane mar haddii uu Ramaax Baskii guusha Xisbiga rajada shacabka uu  shidka u soo galay, waxaynu sugnaaba waa firfircooni cusub oo Xisbiga duulisa..

Tusan.

Muniir Axmed Cigaal.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this